Xarunta Blogga waa Brussels, caasimadda Midoowga Yurub ahna caasimadda Belgium Contact saidavip@gmail.com

Sunday, May 25, 2008

Wararka Maanta

Riix Halkaan!

Wednesday, May 21, 2008

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo sheegay in ay ku jiraan Dedaal ay ku soo qabanayaan Kooxo Afdubtay Dad Ajaanib iyo Somali ah..

Maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa bilaabay sida ay sheegeen Dadaalo lagu baadi goobayo Kooxihii Afduubka u geeystay Dadkii isugu jiray Ajanibta iyo Somalida ee Xalay laga Afduubtay Degmada Owdheegele ee gobolka Sh/hoose.

Taliye Xigeenka Boliiska Gobolka Sh/hoose Nuuriye Cali Faarax oo ka hadlay Falkii Afduubka ahaa ee xalay ka dhacay Degmada Owdheegle ee gobolka Sh/hoose ee lagu Afduubtay 3 ka mid ah Shaqaalaha hay’ada ka howlgasha Degmadaasi ayaa sheegay in uusan ka war qabin ilaa iyo hada wax keenay afduubkani iyo cida ka danbeeysay.

Waxaana uu sheegay in hada ay wadaan howlgalo ay ku doonayan in ay ku soo badbaadiyaan shaqaalaha lagu afduubtay degmada Owdheegle waxaana uu intaa ku daray in dhibaatada taagan ay tahay in aan laga war heeyn in kooxihii Afduubtay shaqaalahasi ay ku sugan yihiin gobolka iyo in ay ka bexeen gobolkasi,Maadaama uu gobolka sh/hoose uu deris la yahay gobolo Badan oo aan nabadi ka jirin sida uu hadalka u dhigay.

Labadii bishan ayeey aheeyd markii weerar xoogan lagu qaaday Xarunta hay’ada Shaqalaha Xalay Laga Afduubtay ee ay ku leedahay Degmada Owdheegle oo ay ku geeriyoodeen 3 ruux oo qaarkood ay ahaayeen ilaalada hay’adasi waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn sababaha keenay in Bartilmaameed laga dhigto hay’adani oo lagu magacaabo VINIS Taasi oo ka shaqeeysa Horumarinta Beeraha.
Xigasho SHMN
.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Qilaaf soo kala dhex galay Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah maamulkasi oo kulan kala qaatay Madxweeynaha Somalia..

Qilaaf Xoogan ayaa waxaa uu soo kala dhex galay Masuuliyiinta ugu Sareeysa Maamulka Gobolka Kasi oo ku saleeysan Amaanka magaalada Muqdisho.

Qilaafkani oo ahaa mid dhawaanahanba soo jiitamayay una dhexeeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa iyo masuuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu soo shaac baxay kadib markii xalay ay kulan la qaateen qaar ka mid ah masuuliyiintaasi Madaxweeynaha Dowlada Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaasi oo ay kala hadleen Arimaha Gobolka Banaadir iyo Sidii wax looga Qaban lahaa.

Mid ka mid ah Masuuliyiinta ugu sar sareeysan maamulka Gobolka Banadir oo xalay ka qeeyb galay kulankasi oo ka gaabsaday magaciisa ayaa waxaa uu sheegay in kulanaasi uu ku saleeysnaa sidii wax looga qaban lahaa xaalada Amaan ee Gobolka Banaadir oo ay sheegeen in uu dhabar jabin ku wado Duqa magaalada Muqdisho Max’ed Dheere.

Sidoo kale waxaa uu masuulkasi sheegay in Madaxweeynaha uu u balan qaaday in wax laga qaban doono Cabashooyinkasi isla markaana Nidaam Cusub loo Sameyn doono Gobolka Banaadir.
Masuuliyiintii xalay kulankii ka dhacay madaxatooyada la qaatay madaxweeynaha ayaa waxaa ka mid ahaa 5 xubnood oo ka mid ahaa Kuxigeenada Maamulka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sida dhinacayada Arimaha Bulshada.Nabadgalyada,Maaliyada,Howlaha Guud,Dib u dhiska iyo dib u heshiisinta.sida Max’ed Cismaan Cali Dhagax Tuur, C/Fitaax Ibraahin Cumar Zabriye Shaaweeye,Max’ed Yaroow,Cumar Aweeys Nuur (Cumar Dacas) iyo Cabdi Xaashi Liibaan iyo gudoomiyayaasha 13 degmo oo ka mid ah 16 degmo ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyayaasha Degmooyinka Kulankasi ka qeeyb galay Sida uu shegay Masuulkasi u waramayay Shabelle ayaa kala ah Waaberi,Xamar Jab jab,Xamar Weeyne,H/wadaag.Boondheere,Hodan,Wadajir,Dharkeenleey,Yaaqshiid,Shibis,C/siis,Huriwaa iyo Daayniile, iyo labo Agaasime guud oo dhanka Maaliyada iyo Nabdgayada ah.

Dhamaan masuuliyiintaasi ayaa waxaa ay ku eedeeyeen gudoomiyaha Gobolka Baanadir Max’ed Dheere in uu ka Danbeeyo dhibaatada ka taagan Gobolka Banaadir iyo amaan darida ka taagan magaalada Muqdisho isla markaan uu wax ka qaban waayay uuna Xagal Daacinaayo Maamulka.

Weli wax war ah kama soo bixin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo ku aadan Eedeyntaasi ka soo yeertay Kuxigeenadiisa iyo Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, xili Max’ed Dheere uu in badan horay u sheegay in uu wax ka qabtay Maamulkiisa Arimaha Amaanka ee Gobolka Banaadir.

Arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa xili Qaar badan oo ka mid ahaa Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir halka qaar kale oo maamulkasi ka tirsanaana ay isaga Tageen xilaalkii ay hayeen kadib Cabsi la soo deristay.

Xigasho SHMN
.

Riix Halkaan!

Tuesday, May 20, 2008

Wararka Maanta

Ciidamada DFKM oo galabta fariisin ka Sameeystay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho..


Ciidamada DFKM ayaa galabta waxa ay fariisin ka sameeysteen Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir iyadoo aan la ogeyn ujeeda ay u yimaadeen Isgoyskaasi.

Ciidamada DFKM oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka waxaana soo galbiyay Ciidamada Ethiopia ka dibna ay dib ugu laabteen fariisinkoodii ay ka yimaadeen markii hore iyadoo Ciidamada galabta soo gaaray isgoyskaasi ay dufeysyo ay ka sameeysteen inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq iyo Iskuulka Axmed cgureey .

Sid kale Ciidamada DFKM waxa ay xanibibeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka waxaana Isgoyska Towfiiq uu yahay isgoyska kaliya oo dadka ku dhaqan Xaafada Towfiiq ay isaga kala gooshaan sida uu idaacada Shabelle u xaqiijiyay Maxamuud Tooshow.

Ciidamada galabta Fariisinka ka sameeystay Isgoyska Towfiiq ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili dhawaan Ciidamada Ethiopia ay u gudbinayaan Ciidamo kale Raashiin qaraxyo lagula beegsaday Wadaasi taasoo Sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada,waxaana ay u muuqataan in taasi ay tahay sida ay u gudbisan lahaayeen Raashinka.

Xigasho SHMN
.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Xoogaga ka soo horjeeda DFKM oo muddo kooban galabta la wareegay gacan ku haynta kontoroolka Siinka dheer..

Ugu yaraan 5 ka tirsan ciidamada DFKM ayaa ku geeriyooday kaddib markii xoogaga ka soo horjeeda DFKM ay galabta dagaal ay ku qabsadeen kontorolka Siinka dheer oo fariisin u aheyd Ciidamadaasi.

Dad maray wadada Siinka dheer oo u warramayay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Sedax baasuuke lagu ganay goobta kadibna ay dhacday rasaas fudud ay is weydaarsadeen Ciidamada DFKM ee fariisinka ku leh Contorolka Siinka Dheer oo Weerar gaadmo ay soo qaadeen xoogaga hubeysan.

Dadka ayaa ku waramay mudo aan ka badneyn 10 Daqiiqo ay la Wareegeen gacan ku haynta goobtaasi.

Mid ka mid ah dadkii marayay wadaasi ayaa Shabelle u xaqiijiyay in uu indhihiisa saaray maydad gaaraya 5 ka tirsan Ciidamada DFKM oo u muuqday kuwa Madaxa laga toogtay ,waxaana uu sheegay in uu arkay 5 ka mid ah Askarta Maxaabiis ahaan ay u wateen kooxihii Weerarka soo qaaday oo watay in kabadan 10 Gawaari oo isugu jira homay iyo Ronetyo .

Goob Joogaha ayaa intaasi Raaciyay in kooxihii Weerarka soo qaaday ay bur buriyeen Sandaqo ku yiilay contorolka Siinka dheer islamarkaana mid ka mid ah kooxihii Weerarka soo qaaday uu soo gaaray dhaawac uuna dhax lugaynayay dadkii soo gaaray goobta uu falku ka dhacay.

Wararka la helay qaar ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada DFKM oo ku sii jeeday halkaasi lagu Weeraray inta u dhaxeysa deegaanka garas baaley iyo Xerada Asluubta oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia

Dad maray wadaadaasi ayaa sheegay in ay arkayeen gaariga oo yiilay wadada dhinaceeda oo ay cidna ay saarneen,waxaana ay umuuqatay in ay Weerarkaasi ay fuliyeen kuwii Contorolka Siinka dheer ka fuliyay Weerarkaasi.

Mudo kooban oo ay gacanta ku haayeen Contorolka Siinka Dheer ay isaga baxeen ayaa goobtaasi waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u fara badan kuwaasi oo ku qeylinayay Erayo kala duwan,waxaana dadka ay soo gaareen Contorolka Siinka Dheer oo galabta Weerarka lagu qaaday.

Ma,jiraan Cid Sheegatay Weerarkaasi iyo hadal ka soo baxay DFKM iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan Weerarka galabta lagu qaaday Contorolka Siinka dheer oo ay ku sugnaayeen Ciidamada islamarkaana gaadiidka ay ka qaaadayeen lacag ay ku sheegeen Canshuur.

Warar aan la xaqiijin ayaa Sheegay in kooxihii Weerarka soo qaaday ay sii daayeen dad ay ka qab qabteen goobta uu falku ka dhacay inkasto Wararkaan aan Wili la xaqiijin

Xigasho SHMN
.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Madaxweynaha K/Africa Thabo Mbeki oo ku baaqay in la joojiyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka qaxootiga ah oo ay Soomaalida ku jiraan..

Madaxweeynaha Dalka K/Africa ayaa ku ku baaqay in la joojiyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka ku nool Koonfur Afrika oo ay ku jiraan Soomaalida halkaas ku tagtay qaxa oo iyagu la kulma dhibaatyin dhac iyo dilba leh.

Madaxweeynaha Dalka S/Africa Thabo Mbeki oo ka hadlayay TV ga qaranka ee dalkaasi ayaa waxaa uu shacabkiisa ugu baaqay in ay joojiyaan tacadiyada ka dhanka ah dadka ajnabiga ah guud ahaan gaar ahaan Soomaalida lagana joojiyo tacadiyada lagu haayo dadka dalkiisa u soo doontay nabad galyada ee ka soo cararay dalal ay dhibaato ka jirto ,sidoo kale baadariga ugu weyn ee dalka K/Africa Desman Toto ayaa isagana waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo rabshadaha.

Toto ayaa sidoo kale sheegay in marka ay dadka K/Africa u dagaalamayaan midab kala sooc in loo baahan yahay in ay taageero ka raadsadaan dadka dunida laakiin looma baahna in dadkasi ay dhibaato kula ku dhaqaaqan.

Dhinaca kale shalay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Abuukar Maxamed Xaaji (Gaduudow) dhibbanahaan oo lagu dilay gaaraash uu ku lahaa xaafada Mayfair ee ay Soomaalida u badantahey kaddib markii ay dad caraysan oo banaanbaxaya ay ku soo xoomeen goobtaas.
Ma aha markii ugu horaysay ee qo Soomaali ah lagu dilo dalkaasi falalka dilka ah ee lagula kaco Soomaalida waa kuwo soo noq noqda mar kastana dhaca

.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Hay’ada MSF oo bacaha roobka garsiisay 1500 oo qoys .


Hay’ada MSF ayaa shalay gaariisay 1500 qoys bacaha roobka, qoysaskaan oo degganaa degaanka Drs. Xaawo Cabdi Dhiblaawe ee duleedka magaalada Muqdisho halkasi oo ay ku sugan yihiin kumanaan oo qoys oo ka cararay rabshadaha ka jira magaalada Muqdisho.

Cusmaan Ibraahin Foto oo ah Sarkaal ka tirsan hay’ada MSF ayaa sheegay in dadka ay deeqdani gaarsiiyeen ay ahaayeen kuwo aad ugu baahan isla markaana ka wal walsanaa xaaladda Xili roobaadka ee la galay iyo hooy la’aanta haysata; sarkaalka oo intaas ku daray in ay sii wadi doonaan gar gaarka bacaha roobka oo maalmaha soo socdana ay u qaybin doonaan, xeryaha Carbiska, Ceelsha Biyaha,Lafoole iyo goobo kale oo ka mid ah halka ay dadka ku bara keceen.

Sidoo kale hay’ada MSF ayaa waxaa ay inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye ka wadaa howlo dhinacyo kala duwan leh oo loogu taakuleeynayo dadka ku bara kaacay halkaasi, waxaana ka mid ah howlo Caafimaad oo loo sameeyo caruurta iyo haweenka oo ay u sameeyeen isbitaallo si gaar ah loogu daweeyo caruurta iyo haweenka iyagoo sidoo kale gacanta ku haya cusbitaalka guud ee degmada Afgooye oo adeeg caafimaad loogu sameeyo dadka ku nool degmada Afgooye iyo kuwa ku barakacay halkasi.

.

Riix Halkaan!

Monday, May 19, 2008

Wararka Maanta

Jammaame oo ay la wareegeen xoogagga kasoo horjeeda dowladda iyo itoobiyaanka.


Xoogaga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda DFKM iyo ciidamada Itoobiyaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada jammaame iyadoo uusan dagaal ka dhicin oo si nabad ah ay u qabsadeen.

Kooxahaan oo la sheegay in cutubyo ciidamadooda ka mid ah ay ka soo dhaqaaqeen degmada Kamsuuma,iyagoo qadka telefonka kula soo xariiray Maamulka degmada iyo odyaasha dhaqanka ee degmada Jamaame kaddibna ay taasi suuro galisay in lagu soo dhoweeyo.waxayna kulamo la yeesheen odayaashaa dhaqanka iyo maamulkii degmadaas iyagoo ka wada hadlay sida loo adkayn karo ammaanka degmada iyo dhamaynta qilaafaadka ka dhexeeyaa beelo dagaal uu ku dhex maray halkaas.


Wixii warar ka soo kordha kala soco halkaan



.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Isbaarooyin maanta hakad galiyay howlihii dekadda Kismaayo.
Maanta ayaa waxaa hakad galay dhaq dhaqaaqyadii dekadda Kismaayo iyadoo ay maleeshiyaad hubaysan ay dhigteen jidgooyo agagaarka dekadda kuwaasoo curyaamiyay dhammaan howlihii dekadda iyo howlihii ganacsi.

Jidgooyooyinkan ayaa lagu soo warramayaa in ay kor u dhaafayaan shan isbaaro iyagoo maalin kastana sii badanaya, goobaha ay yaalaan waxaa ka mid ah wadada dheer ee aada dekada magaalada Kismaayo,wadada meel hoos ka marta dekada kismaayo oo lagu magacaabo xeradii hore ee Mariina isla markaana wadadaasi kooxo hubeysan ay Jidgooyo ay dhigteen ayna ku hubeysan gaadiidka dagaalka. Sidoo kale Xaafada Calanleey waxaa taalo jidgooyo waxa ayna u taallaa maleeshiyaadka Kismaayo.



.

Riix Halkaan!

SHEEKO

WIILKAAN JECLAA ITOOBIYAA DISHAY . Q.4aad

Intii aan jiifay isbitaalka waxa si rasmi ah gacanta igu hayey Abdi Xaashi oo ah kalkaaliye caafimaad, sidoo kale Dr Xabeeb oo lugu yaqaanay daweenta dad ka waal waalan, waxaa xusuustay oo kaliya waqtigaas geeridii naxdinta wadatay oo ku timid wiilkaan jeclaa, waxaan kaloo xasuusta kufsigii arxan la' aanta ahaa ee ay ii geysteen ciidamada Ethiopian ka ah.

Waxaan xasuusta anigoo yar in aan ka dhuuman jiray ciidanka Amxaarada ee gumeysta Soomaali Galbeed dhulka loo yaqaano Ogadeenya, balse intii aan ku jiray isbitaalka dhanka caafimaadka igu dadaali jiray Abdi xaashi xanaanada Shukri Farax oo ayadana ay ka shaqeyso isbitaalka, muddo kaddib waan caafimaaday, Dr. xabeeb waxaa uu faray aabahay in layga saari karo isbitaalka balse layga fageenayo xaafadii dhibta iga soo gadhay.

Aabahay waxa uu dajiyey Xaafadda Waabari, xaafaddaasoo cid aan ka aqaan aysan jirin hase yeeshee galab casar ah waxaan maqlay qof ku dhawaqaya Shamso Shamso balse markii aan jaleecay waaba Abdi Xaashi oo i leh Shamso iska waran? sidaan ku soo aqooday ka waran, waan Farxay waxana ku farxay aragtida Abdixaashi waayo waxan rabay in aan is aragno si aan ugu abaal gudo intii aan isbitaalka aan ku jiray waxaan xasuusta sida hagar la' aanta ah uu ugu hagar baxay, isagoo had iyo jeer isku dayi jiray in uu iga qosliyo waa wax aan hilmaami wayey, cabaar kaddib markii aan is waraysanay ina sheegay in uu daggan yahay meshaan aan kuwada kullanay oo ah gurigeena hortiisa ayaan soo galiyey guriga waxana joogay hadlkaas aabahay iyo eedaday.Aabbe ayaa si fiican usoo dhaweeyey waxaana u sheegay in aan nahnay daris oo gurigoodu yahay albaabka gaduudka ah waa sida uu igu tilmaamay Abdi,

Waxaan wax ka weydiiyey reerkooda wuxuuna ii sheegay in uu la daggan yahay aabihiis iyo hooyadiis iyo shan ilmood oo ka yar yar, uuna yahay doob Single sidoo kale waxa uu wax iga weydiiyey aniga iyo dhacdadii igu dhacday, balse waan ka xumaa in uu wax iga weydiyo nolashii adkeed iyo waxan hilmaami karin, waxana oga soo bilaabay sheekada kow waxad moodaysaa in ay ku socotay sheekadayda balse in yar ka dib ilmo ayaa iga soo dadatay waxa ay qoysay dhamanadayda waxa ay kusoo tifqaysay dhabtayda hadalkina wuu igu dhagay balse waxa uu yiri waan ka xumahay dhibta kugu dhacday mahana adiga oo qura, maalin kasta waa dhacdo Xamar caadi ka noqotay waana dhacdooyinka joogtada ah adigana hadii alle idmo waad ka gudbi doonta waxadna isku daydaa in aad ilowdid

Waa runta balse ma aan hilmaamin dhacdadii igu dhacday, mana hilmaami doono Cabdifitaax, balse waxa runtaa ah in ay Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Soomaali galbeed iyo Rag ku nool ay ku nool yihiin dhacdooyin dil iyo kufsi iskugu jira hadana waxa ay ka holcaysaa ama ay ka socotaa dilka iyo kufsida Muqdisho taasna waxan ku micneed karaa Gumeystaha in uu doonayo Soomaaliya in uu Cirib tiro, lakise aniga waxan ahay qof nasiib xun waxana wayey Bikro nimadaydii waxan waayey wiilkaan jeclaa shanbiloodna waxa ku jiray isbitaal dad ka waal waalan lugu daweeyo marka miyaan hilmaama waan ogahay in ay gabdho badan ay ila qabaan lakiinse haddi aan ahay dumar waxa isku dayayaa si kasta in aan kala qeeb qaato Halganka wadanka uu ku jiro.

Abdi xaashi waxa uu igu yiri mar kasta isku day in aan isdajiso waayo sidaadi hore matihid dhibta ku soo gadhay hadii ad had iyo jeer aad go catid waxa dhici karta in uu xanuunka kugu soo kaco, waxan ka codsanayaa in aad Rabi Talo saaratid mooqifkaagana waad garaysaa, Abdi xaashi iyo aniga waan noqonay daris had iyo jeer waxan fariisan jirnay waqtiga galabtii ah Jardiinka habeenkiina sifiican ayaan Guriga aniga iyo isaga kuwada sheekaysan jirnay Moddo kadib, Abdixaashi waxa uu isoo bandhigay Jaceyl in u iiqabo lakinse waxan ku iri waan ka soo tashanaya ma aan jecleen in aan sameeyo jaceyl dabe lakinse Abahay ayaa jeclaa in uu arko mar aniga oo Reer leh waxana uu ka xunyahay had iyo jeer dhibtii isoo gaadhay.

Maalin kasta Abdi waxa uu isheegi jiray arimo jaceyl ah kadibna waxa uu isheegi jiray in aan oga jawaabo, maalintas kadib waxan ku iri waan ka yeelayaa lakinse sharuud marka hore waa in aad Dhulkaaga iyo diintada udagaalanta aniga iyo adigana waa in aan siwada jir ah gacan oga gaysana waayo waxanu nahnay dhalintii dhulka u dagaalami laheyd hadii aan ku dhimano anagoo wadna dadaal aan oga soo hor jeedno waxa hubaal ah in aan Xag alle iyo mid Binu aadan aan ku yeenahnay sharaf hadii aad intaas iga yeeshid waxan ku balan qaadayaa in aan hilmaamo dhacdo kasta oo igu dhacda labadeenana aan isla bilowno lolo cusub Farxad aad waligaa aragna aan kusiin doono Rabina aan ka baryayo in uu ila gacan qabto maxaad ka oranaysaa arinkaan waa jawaabtayda
Abdi xaashi waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah jecelna in uu dhulkiisa iyo dalkiisana u dagaalamo taasna waxa ay sababtay in uu iga yeelo waxan bilownay nolol wacan iyo jaceyl siyaado ah aniga iyo abdi waxan go aan ku gaarnay in aan wada aqal galno hadafkeena guurkana waxa ka ahmiyad weena tan dagaalka looga soo horjeedo gumeystaha aniga iyo abdi waan wada aqal galnay, Abahay ayaa qarasha baxshay wiilkana waxa uu kala dardaarmay Shamso waa xaaskaaga waana amaano wixi dhib ah daris ayadba nala tihiin go aan kaliga ha gaarin anigana waxan ku ahay Abahaa oo kale, waa maalin farxad leh waxan ku faraxsanahaa nolasha bidhaanteeda wacan aniga iyo abdina miyaan ku waarnay mise kuma aanu waarin halganka aniga iyo isaga xageebaan oga jirnay lasoco qeebta afraad oo qiso iyo murogo leh

WIXI TALO BIXIN AH WAXAD KALA XARIIRTAAN QORAAGAN
EMAIL KA HOOS KU QORAN

mohalimaslah@hotmail.com
Xeryaha Qoxootiga Kaakuma
Duleedka u dhaxeya Kenya iyo Sodan
Eng.Mohamed Ali Maslah (Ilka'se)
Nairbo-Kenya
Telephone:254206766589
Cellphone: 254728343385
Email: mohalimaslah@yahoo.com
.

Riix Halkaan!

Sunday, May 18, 2008

Wararka Maanta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay tallaabo laga qaadi doono askarta lacagta sharci darrada ah ka qaada gaadiidka.

Cabasho ay sameeyeen wadayaasha gaadidka ka shaqeeya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayay ku muujiyeen in ciidamo ka tirasan Dowlada KMGS ay ka qaataan lacago leejo ah iyadoo ay Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir uu sheegay in tallabo cad ay ka qadi doonaan ciidamada falaalkaasi sameeya.

Wadayaasha ayaa intaa ku daray in maalin kasta laga qaado lacago gaaraya 150 shilin Soomaali ah oo ay u sii dheertaha lacagaha ay ka qaadaan iskaashatada gobolka Banaadir oo gaareeysan 22 Kun shilin Soomaali maalin kasta, sidoo kale ayay sheegeen in Ciidamada Dowlada ee ku sugan inta u dhexeeysa wadada Dabka ilaa KM 4 ay ka qaataan Gaadiidkooda lacago aan cadad lehayn isla markaana askarigii qoray wataaba uu gacanta u soo taagayo haddii aan wax la siina uu gaadiidka xabbadaynayo ama uu la dagaayo rakaabka qaarkood.

Arrinkaan ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banadir Col. Cali Siciid Xasan Cawale oo saxaafada u sheegay in ay tallaabo cad oo adag ka qaadi doonaan askarigii ka tirsan Ciidamada Booliiska ay ku arkaan isagoo Shacabka dhibaateeynaya marka laga reebo ciidamada ka howl gala gobaha lagu qaado canshuuraha Dowlada hoose iyo Wasaarada Maaliyada.
.

Riix Halkaan!

Saturday, May 10, 2008

Wararka Maanta

Agaasimihii Idaacada SBC oo goor dhaw Xabsiga laga Siidaayay. .

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa waxa ay Sheegayaan in Xabsiga laga siidaayay Agaasimihii Idaacada SBC Mowliid Xaaji Cabdi oo mudo dhowr Saacad ah ku xirnaa Dekadda Magaalada Boosaaso.

Seedeenta Agaasimaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso iyadoo agaasimaha loo haysto warar ka baxay idaacada oo ku saabsanaa dagaal la shgeegay in uu ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Agaasimaha Idaacada SBC ayaa la faliyaan in uu ka hadlo Xariga ay Ciidamada maamul goboleedka Puntland ay u gaysteen. Waxaana agaasimaha Saakay laga waday xaruntiisa Shaqo.

Xigasho Shabelle

.

Riix Halkaan!

Friday, May 9, 2008

Wararka Maanta

Guddiyadii ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo maanta Jabuuti ku wada xaadiraya .

waxaa maanta Dalka Jabuuti xaadir ku wada noqonayaa Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo maalinta berri ah ay wada hadallo uga furmayaan Magaalada Djibouti.

Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Soomaaliya.

Xubnaha Dowladda Federaalka uga qeybgelaya Wada hadallada

Maxamed Cabdi Ashkir
Maxamed Cali Xaamud
Nuur Iidow Beyle
Maxamed Maxamuud Xeyd
C/llaahi Shiikh Ismaaciil,
C/raxmaan Jaamac,
Cabdalla Boos Axmed,
Ibrahim Garabey
Ismaaciil Macallin Muuse,

Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadallada

Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
C/raxmaan Dheere
Cumar Idiris
Iyo xubin kale oo aanan magaceeda helin.

Maalinta berri ah oo ay bisha May ku beegan tahay 10 ayay guddiyada labada dhinac yeelanayaan Wada hadallo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay, kuwaasi oo xal loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, iyadoo haddii ay miro ka soo baxaan wada hadalladaan uu shir weyn ka dhici doono dalka Boqortooyada Sacuudiga, kaasi oo la filayo in ay isku soo hor-fariistaan madaxda labada dhinac.

Xigasho HOL

.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Xubnihi dowladda uga qeybgelayay wada hadallada Jabuuti oo la magacaabay iyo Isbahaysiga dib u Xoraynta Soomaaliya oo diiday in ay hotel la daggaan xubnaha dowladda..

Warka aynu ka helayno Baydhabo ayaa waxay sheegayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magacawday xubnihii ugu qeybgeli lahaa wada hadallada Jabuuti ka furmaya 10-ka bishan May ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka

Xubnaha la magacaabay aya kala ah:

Wasiirka Dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Ashkir
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud
Wasiirka Howlaha Guud Nuur Iidow Beyle
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd
Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil,
Xildhibaan C/raxmaan Jaamac
Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed
Xildhibaan Ibrahim Garabey
Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse.

Dhanka Isbahaysiga ayaa waxaa uga qayb galaaya 7 qofood waxaan ilaa hadda soo gaaray Jabuuti Janaqow iyo Cabdiraxmaan Ibbi.

Xubnaha Isbahaysiga ayaa markii ay soo gaareen dalka Jabuuti, waxaa la dajiyay Hotel caalami ah, laakiin markii ay soo baxday in uu isla hotelkaas shirka ka dhici doono, xubnaha dowladdana ay isla hotelkaas dagayaan, ayaa waxaa xubnaha Isbahaysiga ay ka guureen hotelkii, iyagoo sheegay in aysan hal meel wada dagayn iyaga iyo dowladda, isla markaana uusan dastuurka Isbahaysiga dhigayn in ay wada hadal la galaan dowladda inta ay joogaan ciidamo shisheeye, ayna u yimaadeen Jabuuti in ay la hadlaan Beesha Caalamka iyo xubnaha Q.M.

Hase yeeshee dibloomaasiyiin uu ugu horeeyo Ergayga Q.M u qaabilsa arrimaha Soomaaliya ayaa xoogga saaraya inuu qabsoomo shirkaas lagu wada hadalsiinayo dowladda iyo Isbahaysiga waqtiga loogu talo galay.

Dadka indha indheeya siyaasada Soomaaliya ayaa is waydiinaya xubnaha labada dhinac haddi aysan xittaa ogolayn in ay hal hotel wada deggaan sidee bey ku suuro gali kartaa dib u hishiisiin ama wada hadalka uu u miro dhali karaa?.
.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya.

Sida ay SomaliTalk.com horay u daabacday waxaa Joornaal la yiraa realtid.se ee kasoo baxa wadanka Iswiidhan uu waraysi la yeeshay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Stockholm ee wadankan Sweden [ee la daabacay April 30, 2008]

Wareysigaas waxaa uu safiirku aad ugu gafey ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan sweden. Isaga oo Soomaalida Sweden ku sifeeyey kuwo caydh ku nool oo isla markaasna lacagtaas kaalmada ah u dira "argagixiso" ka dagaalanta Soomaaliya.

Wareysigaas aad iyo aad ayuu Soomaalida Sweden uga cadheysiiyey. Taas oo keentay in Soomaali badan oo aqoonyahano iyo ururrada Soomaalida ee Sweden ay xiriiro kala duwan la sameeyeen joornaalkii safiirka wareystay. Dhamaan Soomaalidaasi waxaa ay si kulul u canbaareeyeen wareysiga aan salka lahayn ee safiirka Itoobiya ugu gafey Soomaalida reer Sweden.

Tusaale ahaan ururka Isbahaysiga Soomaalida iswiidhan ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagaga jawaabayo hadallada kasoo yeeray safiirka itoobiya ee Istockholm. Waxaa iyaguna aad arinkan uga dooday aqoonyahano iyo siyaasiyiin Soomaali ah ee ku dhaqan wadankan Iswiidhan. Doodaas kulul ee aan loo kala harin waxaa ay ku khasabtay joornaalkii wareysiga sameeyey inuu Doodii Soomaalida ka qoro maqaal loogu jawaabayo safiirka itoobiya. Maqaalkaas waxaa Soomaalidu ku beeniyeen dhammaan qodobadii uu safiirku soo bandhigay. [Waxa wargeysku daabacay May 7, 2008]

Jawaabtii Soomaalida ee joornaalku daabacay oo kooban

"Xaq uma laha inuu soo dhexgalo siyaasada gudaha ee Sweden isla markaasna uu ku xadgudbo dad dhalasho Iswiidhish ah haysta. Kama jiraan Soomaaliya wax argagixiso la yiraa. Balse waxaa jira dhaqdhaqaaq looga soo horjeedo Itoobiya. Itoobiyaanka Soomaaliya joogaa waxaa ay fara xumeeyaan dumarka Soomaalida ah, waxaa ay dilaan oo xiraan caruurta. Ururada u dooda xuquuqul insaanka sida Amnesty iyo Human rights ayaa caddeynaaya xadgudubkaas. Soomaalida inteeda badani waa ka soo horjeedaa qabsashada itoobiya dalkayaga qabsatay. Waxaanu xaq u leenahay inaan wadankayaga difaacno. Itoobiya shaqa kuma laha Soomaaliya. Itoobiya waxaan kula dagaalameynaa aalad walba oo aan heli karno", Ereyadani waa kuwo ka mid ah doodii uu soo bandhigay Xasan Cabdullaahi oo ah siyaasi Soomaaliyeed, degan caasimada labaad ee sweden, Gothenberg. Xasan waxaa uu ka tirsan yahay golaha deegaanka ee magaalada Gothenberg, isaga oo matala xisbiga shaqaalaha.

C/risaaq Aadan oo ka mid ah Soomaalida reer Sweden isla markaasna malata urur ka mid ah kuwa Soomaalida, ayaa isna ka mid ahaa dadka dooda fikirkiisa ku biiriyey. "Waraysiga safiirku waxaa uu ahaa mid aad u tayo liita, kolka laga hadlaayo xagga saxaafada. Ma dhacdo badanaaba in barabogaanda [dacaayad] intaas le'eg loo isticmaalo joornaal. Waxaa ay ahayd in joornaalku iska hubiyo arinka safiirku sheegay isla markaasna uu xaqiiqda raadiyo."

Aniga oo ah C/risaq Maxamed Xuseen (qoraaga maqaalkan) kana mid ah aqoonyahanada Soomaalida reer Swedan ayaa ka mid ahaa dadkii xiriirka la sameeyey joornaalka iyo weliba ninkii wareysiga sameeyey. Waxaan u sheegay in waxyaalaha joornalku soo badhigay aaney Sal iyo raad toona lahayn balse ay tahay been la dhoobdhoobay. Waxaan si toos ah sida Soomaali badan u cadeeyey joornaalka in aan xaq u leenahay haddaan nahay Soomaalida inaan ka hadalo arinka safiirku sheegay. Xaq ayaan joornaalka ugu leenahay inuu na wareysto. In dad dhan oo meel degan lagu sheego argagixso iyo kuwo cayr ku nool waxaa weeyaan xadgudub iyo gaf, ayaan kusoo gabagabeeyey hadalkeygii.

Dadkii Soomaalida ahaa ee arinkan ka hadlay aad iyo aad ayey u badnaayeen, waxaa kaloo ka mid ahaa siyaasiga kale Soomaaliyeed ee la yiraahdo Hanad Cabdi. Hanad waxaa uu yiri: "Sharaxaada safiirku ma aha mid xaqiiqda ka turjumeysa. Inaanu dalkayaga difaacno ma aha argagixisanimo, balse waa taageero aan u fidineyno howlaha dalkayaga lagu xoreynaayo. Sharaxaada saxda ahi waxaa weeyaan iney Itoobiya Soomaaliya qabsatay. Waxaa ay la mid tahay ruushka oo Sweden qabsaday. Itoobiya wax u yaala Soomaaliya ma jiraan, anaga itoobiya waxaa ay noola mid tahay awood dadkayga qabsatay. Qof kasta oo Soomaali ahna waajibaad baa ka saaran inuu ka qayb qaato dadaalka lagu xoreynaayo Soomaaliya" ayuu yiri hanad isagoo hadalkiisa sii watey.

Dadka kale ee ololaha loogu jawaabayo safiirka Swedan ka qayb qaatay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha ururka Isbahaysiga Soomaalida ee Sweden, Faarax Cabdisamad Faarax. Gudoomiyuhu waxaa uu isagoo ururka matalaaya xiriiro kala duwan la sameeyey hayàdo kala duwan si arinka safiirka looga hortago. Tusaale ahaan waxaa uu Faarax wareysi siiyey qaybo ka mid ah raadiyaha sweden.

Gebagabo

Hadalku waa: SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSA OO ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WELIGIIN. Murti waxaa ay ku dhan tahay oraahdaas qiimaha leh ee ka mid ah maansada calanka qaranka Soomaaliyeed. In isku tiirsanaantu fiican tahay waxaa caddeyn u ah miraha dadaalkii ay dadka Soomaalida Sweden kaga hortageen weerarkii safiirka Itoobiya ee sweden. Taasoo ugu dameyntii dhalisay in ay joornaalkii khasab ku noqoto inuu arimahayagana ka hadlo. Inuu xaqiiqsado awoodda aan la dhayalsan karin ee Soomaalida reer sweden. Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay dadaalkaan. Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan soo wada qaadan hadaladii iyo dadkii hadlay dhamaantood.

Balse guushani waa mid usoo hoyatey Soomaalida oo dhan. Ololaha iyo doodaha loogu jawaabayo safiirka waa ay soconayaan ilaa iyo inta uu cudurdaar ka bixinaayo xadgudubka uu la yimid.

Xigasho Somalitalk

Waxaa turjumey iskuna duba ridey: C/risaq maxamed xuseen.
Eskilstuna. Sweden. habdirisak@hotmail.com .

Riix Halkaan!

Thursday, May 8, 2008

Wararka Maanta

Taliyihii ciidamada Maxaakiimta gobolka Hiiraan oo u geeriyooday dhaawac… iyo tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani oo saakay daggan..

Wararka naga soo gaaraya gobolka hiiran ayaa sheegaya in tuulooyinkii ay dagaalada ka dhaceen shalay ee Nuur Fanax iyo Garasiyaani ay saakay daggan yihiin oo uu dagaalku qaboobay.

Tuulooyinkaan oo uu shalay ilaa xalay dagaal qaraar ka socday oo laga maqlaayay dhawaqa hubka cul culus, ayna ku naf waayeen dad rayid ah, ayaa waxaa wali ku sugan ciidamadii Itoobiya, oo ridaya rasaas goos goos ah sida ay sheegeen dadka deegaanka oo rasaastaasi ka cabanaya inkastoo ay dagaaladii qaboobeen.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa xaqiijiyay in uu dagaalkaas ku dhintay Taliyihii Ciidamda Maxaakiimta gobolka Hiiiraan oo lagu magacaabi jiray Amiin Barqadle, kaasoo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii dhacay.
.

Riix Halkaan!

Waraysi

Xiriiriyaha Midowga Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub Mr. Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan dalka Switzerland "ummad Islaam ah ayaan nahay oo qof walba inta uu nagu xad gudbo in la'eg ayaan u geeysaneynaa".

Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar isa soo tarayaa oo ku saabsan Maamulka Puntland in ay qab qabteen dad u dhashay dhulka Ismaamulka Soomaalida Ogaden oo loo gudbiyay dowladda Itoobiya arrinkaas ayaanu ka waraysanay Xiriiriyaha Midowga Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub Mr. Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan dalka Switzerland

Waraysi

Su’aal:

Sidee u aragtaa dadkii u dhashay dhulka Ogaden ee laga qab qabtay maamul goboleedka Puntland ee loo dhiibay Itoobiyaanka?

Jawaab:

Midowga Jaaliyadada Ogaadeenya ee Yurub wuxuu u arkaa arrintan arxan-darrada ah oo uu ku kacay maamulka Puntland mid godob ah oo laga galay umada Soomaalida Ogaadeenya.

Su’aal:

Ma jiraan wax war ah oo aad kasoo saarteen arrinkaas ?

Haa, bayaan ayaan ka soo saarnay canbaareyn ah.

Su’aal:

Maxaad ugu baaqi lahayd Maamulka Puntland iyo shacabka Puntland ?

Jawaab:

Maamulka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay la yimaadaan dhiiranaan, kana soo saaraan gacanta cadowga, ragii ay iyagu u gacan galiyeen. Middan ayaa ah daawada kaliya ee loo heli karo arintan. Shacabkana waxaan uga fadhinaa in ay ficil na tusiyaan rag aan waxba galabsan oo la nolol dilay, waxba uma tarayso in canbaareeyn la soo saaro lana yiraahdo waan ka xunahay.

Su’aal:

Sidee u dareenteen arrinka markii aad maqasheen?

Jawaab:

Dareenkeena iyo kan ummada Soomaaliyeed ee xalaasha ahba aad buu u kacsan yahay, wey adag tahay in erayo lagu muujiyo dareenkeena arrimahaas ku saabsan.

Su’aal:

Haddii ay mar kale dhacdo arrin sidaan oo kale ah maxaa idinkaga qorshaysan?

Jawaab:

Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya waa shacbi nabadeed oo aan Soomaalida wax dhib ah ku haynin, xadgudubyo badan ayaa kaga imanaya Soomaalida dhexdeeda. Dhibaataynta shacabka Ogaadeenya cid wax ka dheefta lama arag. Haddiise arrintu ka fursan weyso, ummad Islaam ah ayaan nahay oo qof walba inta uu nagu xad gudbo in la'eg ayaan u geeysaneynaa.

Su’aal:

Wax xiriir ah ma la samayseen maamulka Puntland kaddib markii ay arrintaani soo shaac baxdey?

Jawaab:

Ka jaaliyad ahaan wax xiriira oo aan maamulkaa la sameynay ma jirto, sababtoo ah ficil ayay la yimaadeen meel xunna way naga taabteen. Arrintu inta aanay dhicin ayay ka fiirsasho leedahay. Markii raggan ay qabteen iyo inta aanay gudbin ka hor ayaa lala xiriiray dhagaha ayayna fureeysteen. Iyaga ayaa qaadaya masuuliyadeeda miraheedana guran doona.

Su’aal:

Ma jiraan qorshe aad ku ku damacsan tihiin inaad arrimahaan dhacay kala hadashaan Dowladda Soomaaliya?

Jawaab:

no comment

Su’aal:

Ma usoo bandhigteen arrimahaan caalamka, haddii aad soo bandhigteense yaad kala hadasheen?

Jawaab:

Hayadaha caalamiga ee ku shaqada leh ayaa loo gudbiyay.

Su’aal:

Wax warkaan kusoo saabsan oo aad kala hadashay dalka aad ku nooshahay ee Switzerland ma jirtaa?

Jawaab:

maya.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Baaq ay soo saareen Midowga Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub oo uu na soo gaarsiiyay Xiriiriyaha MJOY:
MJOY oo canbaareeysay maamulka Puntland
.


Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008.

Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ee ku xusan taariikhda in uu yahay cadow manaxaan ah gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah.

Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku noolaa Bosaaso.

Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna masilin danaha shacabka soo doortay ee ku nool Puntland.

Taliska gacan ku dhiiglaha ah ee itoobiya kama oomana (ma ka gaajaysna) dhiiga shacabka aan wax galabsan ee Somalida Ogadenya. Wuxuu si raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca haysan.

Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun Soomaalida Ogaadeenya ah. Ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka leedahay in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya ka mid ah waa:

1. inay colaad la dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhexdhigtay.

2. Isku daygeeda inay la kaashato Soomalida burburinta halganka xaqa ah ee shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa. Taas oo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay, horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ku guul daraysatay.

Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin leh.

Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaali oo dadka Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay uu san ahayn kii maanta loo sujuudi lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadenya.

Waxaan aad uga xunahay shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo cararay.

Sidaa darteed, anaga oo ah Midowga Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee Yurub (MJOY) waxaan cambaareynaynaa falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya u geliyey muwaadiniintaa dhulkooda martida ku ahaa. Waxaan balan qaadaynaa inaanu garab taagan nahay shacabka geesiga ah ee u istaagay aayo ka talintooda.

Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u ririka Ogaadenya. Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay.

Contact : mijoyurub@gmail.com
.

Riix Halkaan!

Tuesday, May 6, 2008

Wararka Maanta

Madaxda Soomaaliya iyo Farance oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo...

Kulan ay ku yeesheen magaalada Paris Madaxda Soomaaliya iyo Farance Mr. Yusuf iyo Mr. Sarkozy ayay kaga wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo waliba burcad badeedka xeebaha Soomaaliya.

Kulankaas kaddib Madaxweyne Yusuf oo hadlay ayaa sheegay inuu dowladda Faransiiska ka codsaday in ay ka kaalmeyso sugidda ammaanka badda iyo berriga Soomaaliya, gacana ay ka gaysato kana kaalmayso dhinaca Milateriga Dowladda Federaalka, si loo xasiliyo dalka Soomaaliya oo muddo xasilooni la’aan ku jira.

Madaxweeynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale kulanka ku sheegay in laga yaabo kooxda burcad badeedka ah ee dhowaan maxkamada lagu saray faransiiska isla markaana ay soo qab qabteen ciidamada Faransiiska 11 kii bihii aan soo dhaafnay in ay suuro gal tahay in ay yihiin badankood beeshiisa, isagoo intaasi raaciyay haddii xatta ay kasoo jeedaan beshiisa in ay mudan yihiin in ciqaabtooda la marsiiyo oo lasoo taago sharciga.

..

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Banaanbaxyo rabshado leh oo maalintii labaad ka socoda Muqdisho.

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dadka reer Muqdisho ay banaanbaxyaadan uga cabanayaan diidmada lacagta 1000 ka shilin Soomaaliga oo ah lacagta kaliya ee hadda la isticmaalo iyo sicir bararka .

Dadweeyne aad u careeysan oo tiro badan ayaa isku soo baxay oo magaaladda dhan buux dhaafiyey.

Bananbaxayaashaan caraysan ayaa waxay gubayaan taayerada baabuurta waxayna tuuryeynayaan dhagxaan, taasoo keentay in ay istaagaan dhamman dhaq dhaqaaqaydii magaalada, gawaarida dadweynaha iyo ganacsigiiba.

Shalayna isla dad sidaan u banaanxayaya ayaa ku geeriyooday magaalada oo la dilay .

Dhanka kale waxaa isna soconaya kulan looga hadlayo arrimahan Saameeyay shacabka ee sare u kaca maciishada daruuriga ah iyo kala soocida lagu ahayo Shilin Soomaaliga kulankaan oo isugu yimaadeen Gudiga Ganacsatada gobolka Banaadir iyo kuwa suuqa Bakaaraha.

Riix Halkaan!

Xusuuso

Xusuuso heestaan, is weydii goormee la qaaday, maxaa loo qaaday, yaase loo qaaday?.
Riwaayadii; Ha Waalnaado Jacaylka aynu Weerarka aadnee...

Heesta Sasabane

C/Nasir Macalin Siciid (AUN)

Wuxuu sabanno badan
geelu seynta u ruxaa
mar un baa Sasabaniyo
Sulul ka cabbi doontaa
anna waxaan saqaafaha
iyo sahanka caashaqa
seymaha u marayaa
waa si aan u kulannee

Jacaylkii sacabbo furan hooyaa
ayaankeen beri samaad hellayee
arooskeenii saldhigayee
sidaa u garooo la soco ee

Sahro Ahmed

Waxay sabi ilmaha
hooyadu gosha ugu siddaa
sadka loogu koriyaa
abaal laga sugaayee
anna waxaan sidoo kale
caashaqa sasaba iyo
samir uga dhaqaayaa
wuu i sanduleeyee
i saanduleeyee

Jacaylku ma sidi irmaan hoyaa
sadaashu ma Buul Alle hellayoo
arooskii ma saa danbaayee
sidaa u gartee ka soco ee

C/Nasir Macalin Siciid (AUN)

Waxaa subaga iyo heenka
seenga loogu shubayaa
hubka loo sifaystaa
sigaadiga colaadeed
anna waxaan la selelaa
saqda dhexe la toosaa
sahwigii jacaylkaa
samada iiga yimidee
iiga yimidee

Jacaylkii sacaabbo furan hooyaa
ayaankeen bari samaad hellayee
arooskeenii saldhigayee
sidaa u garo la soco ee

Sahro Ahmed

Waxaa sarsarka aada reerka
sarmaanta loogu oodaa
saa intuu guur guurtiyo
usoo marin dugaaguye
seddex boqol maalmood
iyo tiro sagaashanaa
sidka geelu weeyee
ma soo gaadhay caashaqa
ma soo gaadhay caashaqa

Jacaylku ma sidi irmaan, hooyaa
sadaashu ma buul Alla, hellayooy
arooskii ma saa danbaayee
sidaa u gartee ka soco ee

Cabdi Naasir AUN kaddib waxaa heestan la qaaday Sahra Axmed fananka Axmed Yassiin

Fadlan markii aad xusuusato heestaan, goortii la qaaday, maxaa loo qaaday, yaase loo qaaday, sababtii loo qaaday, abwaankii sameeyay, iyo wixii faahfaahin ah aad ka hayso noogu soo dir emailkan saidavip@gmail.com
.

Riix Halkaan!

Monday, May 5, 2008

Wararka Maanta

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Ergayga Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo kulan yeeshay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba shirka loo malaynaayo in mar dhow lagu qabto Jabuuti kaasoo la iskugu keenayo dowlada Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ah

Kulanka ayuu Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku ballan qaaday in uu ka qayb
qaadanaayo nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, uuna caawin doono Soomaaliya waligiis.

Kulanka labada mas'uul kaddib ayaa waxaa afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeddaa Itoobiya uu sheegay in xukuumada Itoobiya ay aad u daneeynayso in xal dhab ah laga gaaro dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

dhinaca kale Ahmed Walad Cabdala oo ah ergayga Q. M u qaabilsa Soomaaliya ayaa isna sheegay kulankasi kaddib in Beesha Caalamku ay diyaar u tahay in wax laga qabto arrimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka taagan, isagoo intaas raaciyay in kulanka uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Zenawi uu uga doodeen sida uu u qabsoomi karo shirka bishan lagu wado inuu ka dhaco jabuuti ayna uga qayb qaadan lahaayeen dhammaan qaybaha is diidan. .

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Safiirka Itoobiya ee dalka Sweden " Waxaan rumaysnahay inuu xiriir ka dhexeeyo Soomaalida Sweden iyo ururka Al-Shabaab".

Safiirka Itoobiya ee dalalka Scandanevianka oo fadhigiisu yahay dalka Sweden laguna magacaabo Dina Mufti oo u warramay jariirada Realtid oo kasoo baxda magaalada Stockholm ayaa Soomaalida ku tilmaamay kuwo taageera argagaxisada, wuxuuna sheegay in lacagaha loo siiyo kaalmada ama ceydha ay u diraan argagaxisada oo uu xiriir ka dhexeeyo Soomaalida Sweden iyo ururka Al-Shabaab.

"Sweden waxaa deggan 40,000 Soomaali ah, Norweyna waxaa jooga ilaa iyo 18,000 Soomaali ah, lacagta ay u qaataan ceyrta naftooda uma isticmaalaan ee waxay ku taageeraan kooxaha argagaxisada ah. Hay'adaha Ceydha maamulaa waxay lacagaha ku bixiyaan in ay bulshada ku dhex galaan, jeegag ayaana la siiyaa, hase yeeshee lacagta looma isticmaalo howlihii dhex galka bulshada ee loogu talo galay, lacagtaas qayb ka mid ahi waxaa lagu bixiyaa ujeedooyin siyaasadeed, waxaa kuwa lacagtaas qaata ku jira kuwo xag-jir ah oo lacagtaas u dira wadankooda " waa sida uu hadalka u yiri safiirkee.

Ugu danbayntii Safiirkaas ayaa yiri haddii ay Sweden wax ka qaban weyso kuwa xag jirka ah waxaa dhacaysa in Muslimiinta ay qabsadaan wadanka Sweden, taasoo ah qatar aad u weyn ah, wuxuuna dowladda Sweden u sheegay in lacagta canshuurta ah ee laga qaado dadkeeda ayna ku kaalmayso dadka Soomaalida ah ay aadaa meeshii loogu talo galay ma aha in lagu gato hub iyo waxyaabaha qarxa.

Hadalkaan kasoo yeeray safiirka Itoobiya ee dalka Sweden ayaa ah mid qatar ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Scandanevianka oo qal qal galin karta lacagaha kaalmada ah ee ay qaataan ama keeni karta in lagu kantoroolo.

Ma jiro war cad oo ilaa hadda kasoo baxay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi

Warka oo dhan Riix Halkaan
.

Riix Halkaan!

Wararka Maanta

Baaq iyo Canbaareyn: Falkii Maamulka Puntland ku kacay
Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Scandinevia .

Anagoo ku hadleyna magaca Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Scandinevia (Finland, Sweden, Denmark, Norway) waxaan si qoto dheer uga xunnahay kuna tilmaameynaa naxariis-darro, si buuxdana u cambaareyneynaa falka ka baxsan biniaadamnimada, Soomaalinimadda, Islaanimadda iyo Derisnimada ee Maamulka Puntland uu kula kacayo muwaadiniinta la gumeysto ee Ogaadeenya, oo si naxiis-darro ah cadowga shacabka Ogaadeenya ee Itoobiya ugu gacan galiyey muwaadiniin shacabkaas ka tirsan, kuwaas oo dano kala duwan oo noloshooda la xiriira ugu sugnaa dhulka uu maamulkaasi ka taliyo.

Falkan foosha xun wuxuu Garowe ka bilowdey 22kii Abriil 2008, xilligaas maamulka Puntland wuxuu cadowga shacabka Ogadenya u gacan-galiyey labo muwaadin oo shacabkaas ah, falkaas wuu socdaa isagoo si aan loo miidaan dayin loo xir-xirayo cadowgana loogu gacan galinayo muwaadiniinta ka soo jeeda dhulka Ogadenya ee halkaas ugu sugan dano shaqo, waxbarasho, caafimaad, ganacsi kuwo qoys iwm.

Maamulka Puntland, isagoo taliska dhiigya-cabka ah ee Addis Ababa ku raaligalinaya ayuu gacanta cadowga gumeystaha naxariis-laawaha ah geliyey muwaadiniintaas Soomaalida Ogaadeenya ka tirsan oon wax dambi ah ka galin.

Waxaa kale oo Maamulka Puntland xabsigiisa Boosaaso horey si silic ah loogu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Bosaaso, qaar kalena si sharci daro ah ayuu maamulku u xir-xiraa si joogto ah.

Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay xidhiidhka maslaxadda labada shacab ee deriska ah, waxaa muran ma doonto ah in dhacdooyinka noocan oo kale ah in ay dhaawacayaan xiriirka labada shacab iyo derisnimadda.

Taliska gacan ku dhiig-laha ah ee Addis Ababa marna kama oomana kamana gaajeysna dhiigga shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Wuxuu si raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca lahayn ee Ogaadeenya.

Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun oo Soomaalida Ogaadeenya ah, ujeedada uu gumeysaha Itoobiya ka leedahay in mas'uul ama muwaadin shacabka Ogaadeenya ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya ka mid wuxuu uga dan leeyahay:

1. In marka koowaad colaad la dhex dhigto labada shacab ee deriska ah, si la mid ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex-dhigtay.

2. In marka labaad gumeystuhu ku guuleysato isku daygiisa ah in Soomaalida loo kaashado burburinta halganka xaqa ah ee shacabka gobonimo doonka ah ee Ogaadeenya iyo dadaalkiisa uu ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa, taas oo gumeystuhu horey ugu dhaqaaqay kuna guul dareystay.

Waxaa muuqata in maamulka Garowe iyo Puntland in aysan ka fiirsanin natiijada ka iman karta falalka noocan oo kale ah, maamulka Puntland waxaa cad inaysan ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo iyana muuqata in aysan fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo uusan mudneyn in maanta loo hogaansamo, kabahana loo qaado maamulka falkan geysteyna uu ku khasaarayo tala xumaddiisa, ka fiirsasho la’aanta iyo qar iska tuurka ay ku doonayaan in labada shacab colaad laga dhex alooso.

Maamulka Puntland waxaan u sheegeynaa in talaabadaa uu qaadey aysan marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadeenya.

Shacabka Puntland waxaan ugu baaqeynaa iney si buuxda u cambaareeyaan, kulana xisaabtamaan talaabadaas khaldan ee maamulkoodu qaaday lana joojiyo ka ganacsiga, dilka & xabsiga uu maamulka Puntland ku hayo shacabka Ogaadeenya ee soo magan galay cadowga aan naxariista laheyna ka soo cararay.

Anagoo ku hadleyna magaca iyo masiirka Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Scandenevia, waxaan cambaareyneynaa falkan foosha xun ee maamulka Puntland ku kacay.

Waxaan maamulka Punland u caddeyneynaa in aan garab taaganahay mar walba halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah uu ugu jiro xaqa aayo-ka-talintiisa.

Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garabka siinaya ee taladiisa ku shaqeeya intaba in Guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq-u-dirirka Ogaadeenya, cid kastana waxay kasbato ayey heli, ha dhawaato ama ha dheeraatee’

Waxaan caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo idil ugu baaqeynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland uu ugu gacan-galiyey cadowga dad aan dambi ka galin maamulkooda una istaagay oo kaliya in ay ka dhiidhiyaan gumeysiga & gumaadka dadkooda lagu hayo.

Midnimo Mintid & Isku tashi

Jaaliyadaha Ogaadeenya ee
Scandineviaoca@wippies.com


.

Riix Halkaan!

Saturday, May 3, 2008

SHEEKO

WIILKAAN JECLAA ITOOBIYAA DISHAY Q. seddexaad.

“cuqdadii aan qabay, habeen ayaan waxaan ku iri aabbahay, aabbow waxaan ku barbaaray Gobolkaas Killinka Shanaad waxaana gumeysta Itoobiya, haddana Soomaaliya ayeey ka dhigteen Killilka Lixaad marka labadaba waxaa ka jira dhibaato aan laheyn dhammaad dadka waxa ku dhacayana waxaan ahay qofkii ugu dhibka yaraa waxaan ahaa Gabar dunida ku leh mustaqbal iyo hormar intaan caqliyeystay ilaa haddana waxaan maqlayay dhibaato ay Itoobiyaan ummadda Soomaaliyeed u gaysanaayeen, ilaa ay anigiina i kufsadee oo dhibka uu dhinacayga iga soo gaaray,waxaana ogsoonahay haddi aan sii joogo in ay gacantooda igu dili doonaan, waxaan doorbiday in aan dhulkayga aan u huro naftayda kuna biiro mid ka mid ah jabhadaha xaq u dirirka ah

“Weligay isma aan oran aabbahaa wax ka ooysiiya samee, waa taa tii i qabsatay anigoon wax danbi ah ku lahayn aabbahay ilmada dhabankiisa ay qoysay, isagoo i dhahaaya ‘miyaadan ogeyn in muddo aan ku tabayey, maantay markii aan ku helayna in ay ii muuqato wadadii aan kugu wayn lahaa, waan ogahay waxad dareemaysaa dhibtii fuulxumada ahayd, waxaadse ogaata in ay ahayd qaddar lugu qoray oo aadan dhaafi karin, hayeeshee waxaan jeclaa in aad iska hilmaantid, ma ogtahay maalin kasta waxaa ka dhacda meeshaan dhibaatooyin kala duwan, dil, kufsi barakac iyo hanti boob, intaasna waxaa ay ku dhacayaan dad annagoo kale ah, aniguse waxaan rabi lahaa in aan ku guuriyo Cabdifitaax oo aan maalin dhexdaas ah kula kulanay meel maqaaxi ah oo lugu shaaho waxaana kawada hadalnay arooskaaga aniga ayaana bixinaaya wixii qarash ah marka gabadhaydiiyeey iska hilmaan wixii dhacay xalay dhalay kasoo qaad fadlan waan ku ducaynayaa’

“Alla aamin ma iishee waxaan dhaafi waayey ilmadii abbahay ka qubanaysay iyo ducadiisi inkastoo ay daacad iga aheyd in aan ku biiro Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed, ugu danbayntii aabbahay wuxuu u yeeray Cabdifitaax maalin Jimco ah anigana waxaan usii diyaarshay qado iyo soo dhoweyn wacan, markii loo dhawaa xilligi uu imaan lahaa Salaadda kaddib qadadii waxaan ku diyaarshay miiska qadada anigana waxaan isku diyaarshay is qurxin, markii uu aabbe ii sheegay in ay maantay kawada hadlayaan xilliga uu dhici lahaa arooska la ina bixinaayo qarashka arooskana uu aabbe meel saaray ayaa waxaa yeeshay naruuro waxaana dareemay hawo caafimaad Cabdifitaax maalintaas waxaa laga rabay inuu sheegto maalinta ay suuro gal tahay in naloo sameeyo aroos iyo aqal gal sidoo kale aabbahay wuxuu iiga farxiyay inuu i siin doono lacag aan ku shaqaysto anigoo in yar kasoo kabtay dhibaatadii ay Xabashidu i gaarsiisey ayaa waxaa mark ale igu dhacay naxdin hor leh kaddiib markii waqtigii uu nala balamay Cabdititaax la dhaafay hase yeeshee anigoo wal walsan ayaan wacay Mobile kiisa gacanta nasiib xumo wuu dansanaa, haddana waxaan wacay telefonka guriga Cabdifitaax busy ayuuna iga sheegay oo waa lugu hadlayay in yar kaddib waan ku celiyey waxaana iga qabatay Ruqiyo oo ah Cabdifitaax walaashiis oo barooranaysa.

Waxaan ku iri waa Shamso ee maxaa dhacay walaal weyse iga aamustay anigoo aan fahmin waxa dhacay ayaan ku celiyey maxaa jira ? iyadoo wali barooranaysa ayeey igu tiri sakay ciidamada Itoobiyaanka iyo dowladda ayaa howlgal ay ku samaynayeen ayaa waxaa lagu dilay Cabdifitaax Yare oo magaalda u daadagay, waxaana toogtay ciidamada Itoobiyaanka ah wuuna dhintay ilaa haddana lama xabaalin, oo waddada ayuu maydkiisa xooran yahay xitaa lama soo qaadi karo !!!!!!

Ciidamada Xabashida dartood waxaan waayay laba sheey mar waxaan waayey Wiilkii aan jeclaa ee aan is lahaa la wadaag mustaqbal iskuna hilmaansii dhibaatooyinka ku gaaray, waxaan rajeynayey aroos iyo galbis farxadeed iyo waliba in aan kuwa noolaano aqal mase dhicin, waxaa kale oo aan ku waayey dhibaatadooyinkii maskaxdaydii oo maalintaas waan waashay ilaa muddo shan bilood ahna waxaan ku jiray isbitaal lugu hayo dad ka aan miyirka qabin, markiise la iga quustay ayaa Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale ( Xabeeb) uu ku taliyey in aan seexdo isbitaalka waxaana la i seexiiyay isbitaalka, hase yeeshee jiifitaankii isbitaalka miyaan ku caafimaaday ? mise qiso jaceyl ayaa igaga dhalatay ?

OgaysiisWixii aad ka dhahayso sheekadaan kala xiriir qoraha sheekada emailka hoosta ku qoran oo ah;

Mohamed Ali Maslax
mohalimaslah@hotmail.com

Saida VIP Blog sheekadaan waa lagu daabacay kaliya mas'uuliyadda iyo xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha sheekada

.

Riix Halkaan!

SHEEKO

"WIILKAAN JECLAA ITOOBIYAA DISHAY" Q. Labaad.


Qoraalkaan qeebta labaad waa qoraal inta badan ay soo codsadeen aqristayaasha qiimaha badan ee Saida VIP Blog, in aan u soo dadajiyo taas oo sababtay qormadaan oo leh qiso ka turjumaysa xilli xaadirka hadda lugu jiro oo inta badan ay ku dhacdo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Soomaaliya

Sheekada Qeebta labaad

"Markii aan joogay Ismaamulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya, waxaan maqli jiray reer hebel xalay gabdhahoodi waa la kufsaday, wiilkii reerkana waa la dilay ama waaba la qafaashay, intaas dhagahayga waan ku maqli jiray, hase yeeshee markii aan bar baaray adeerkey oo ahaa aabahay oo kale, qabaynaa hooyaday ayaa aniga iyo gabar uu adeer u yahay waxaa uu na gayn jiray kaymaha, isagana inta badan waxaa uu aadi jiray meelaha uu isleeyahay waad ku badbaadi kartaa.

Markaan imaanayay magaalada Muqdisho waxaan qayaasayay in aan heli doono is badal nololeed, markii aan ku biiray iskuulkana waxaan rajeynayay in aan gacan ka gaysto xaquuqda ka maqan gabdhaha da’deyda oo kale ahee ku nool meesha aan ku barbaaray ee loo yaqaano Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, nasiib xumose waqtiga ayaa is badalay, waxaan soo xasuustaa Maah Maah aheyd Kud ka guur ee Qanjo u guur, waxaan Muqdisho kala kulmay kufsi naxariis darro ah iyo murugo aan iga harin illaa hadda laakinse ma aan rajo gabin.

Waxan is lahaa wiilkii aad jeclayd wuxuu kugu naci doonaa masiibadii kugu dhacday iyo mustaqbal la’aanta, lakiinse Cabdifitaax waxaa uu ahaa wiil inta badan aan is iraahdo kanoo kale Soomaali kama uusan dhalan, ma ahan jaceylka aan u qabo in aan u faaninayo ee runta ayaa ah in uu ahaa wiil fiican.

Aabahay waxaa u ka wal walsana gabadhiisa kasoo carartay cadowga gumaystaha oo haddana dhacdadaan foosha xuni ay ku dhacday, anigana waxaan ka murugsana jaceylkayga in aan waayo.

Cabdifitaaxse intaba wuu daboolay siduu ii jeclaa si ka sii siyaado ah ayuu ii jeclaaday.

Aniga iyo Cabdifitaax jecaylkeeni fursad ayuu u wayey in aan maalin walbo aan isla kulano, marka laga reebo telefonkii aan ku sheekaysan jirnay, habeenkii oo aan wici jiray ama uu isoo wici jiray, isagoo had iyo jeer igu oran jirey maxaa kugu dhacay aan iskula kulmi waynay ? markii aan guriga imaado waan ka waayaa adigana iima timaadid, waxaana ugu jawaabi jirey iskuul ban tagaa sidaas darteed ayaan isku waynay.

Run ahaantiise iskuul aan aadi jiray ma jirin ee waxaan aadi jiray Cali Yare oo ah wiil uu dhalay adeerkay oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka shaqayn jirtay goobta lugu kala gato Hubka oo lugu magacaabo Cirtoogte, waxaana uu Cali yare i bari jiray sida qoryaha loo fur furo loona shiisho, loona rido, sidoo kale tobabar iyo xeeladda dagaalka iyo markii uu dagaal ku qabsado sida looga baxsan karo ama naftaada loo difaaci karo

Waxaan raadin jiray koox aan ku biiro sida ONLF oo kale dhibtase waxay iga haysatay Xamar waxaa ka dagaallama dhallinyaro la magacbaxday Al-Shabaab iyo Maxkamadaha oo aan iyagu laheyn saldhig loogu soo hagaago, waayo waxa ay wadaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah taasna waxaa ay keentay in aan hanan waayo ayna ii suuro gali weydo inaan ku biiro.

Aabbahay waxaa lugu tiriyaa in uu yahay aabbayaasha ugu wacan mararka qaarkood waxaan is dhahaa hooyadaa iyo aabbahaa maxaa kala furay, balse waa qadar labadooda kala kaxeeye maxaa yeelay aabbahay jaceyl ka duwadan caruurtiisa ayuu ii qabaa waxaana ahay curadiisa uusan soo korsan, lakinse cuqdad ayaan qabay, habeen ayaan waxaan ku iri aabbow waxaan ku barbaaray Gobolkaas Killinka Shanaad waxaana gumeysta Itoobiya, haddana Soomaaliya ayeey ka dhigteen Killilka Lixaad marka labadaba waxaa ka jira dhibaato aan laheyn dhammaad dadka waxa ku dhacayana waxaan ahay qofkii ugu dhibka yaraa waxaan ahaa Gabar dunida ku leh mustaqbal iyo hormar intaan caqliyeystay ilaa haddana waxaan maqlayay dhibaato ay Itoobiyaan ummadda Soomaaliyeed u gaysanaayeen, ilaa ay anigiina i kufsadee oo dhibka uu dhinacayga iga soo gaaray,waxaana ogsoonahay haddi aan sii joogo in ay gacantooda igu dili doonaan, waxaan doorbiday in aan dhulkayga aan u huro naftayda kuna biiro mid ka mid ah jabhadaha xaq u dirirka ah"

La soco Q. Seddexaad

Ogaysiis

Wixii aad ka dhahayso sheekadaan kala xiriir qoraha sheekada emailka hoosta ku qoran oo ah;

Mohamed Ali Maslax
mohalimaslah@hotmail.com

Saida VIP Blog sheekadaan waa lagu daabacay kaliya mas'uuliyadda iyo xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha sheekada.

Riix Halkaan!

Friday, April 25, 2008

SHEEKO

"WIILKAAN JECLAA ITOOBIYAA DISHAY" sheeko . .

Waxaan ahay Qoraa, wax ka qora arrimaha Bulshada, qisooyinka iyo dhacdooyinka.Qisadaan waa tii iigu yaabka badnayd mar aan booqdey xerada qaxootiga ee Kakuma.

Gabadh lagu magacaabo Shamso oo ah gabar aad u qurux badan balse aad iyo aad u aamus badan nolosheedan ay ka buuxdo qiso aasoo aan door bidey inaan qoro.

Waxayna ku bilaabatay sidaan;

Qalad ma aan galin
qaadirbaa oge
qiyaamo islaam kuma sameen
qof dhoorsan baan ahaye
qadarbaa igu dhacay waa xukin rabiye
quyar socod baan ahaa dagaal ma aan galine
qorigaan qaadanayaa dantaa ibadaye
waa horu dhaca buraanbur ay tirisay Shamso

"Qadarka ma diidayo, balse waxan u ekahay in aan ahay gabar nasiib xun, waxan jeclahay iyo waxaan rabo waxaad moodaysa in uu qadartu igaga hormarayso, waxan xasuusta, in aan ku barbaaray gobolka Soomaali galbeed ee ismaamulka Soomaalida Killilka Shanaad magaalada Khabri Bayax baadiyaheeda.

Waxan la nolaa hooyaday iyo caruur aan isku hooyo nahay hase yeeshee markii aan barbaaray waxaan ka soo cararay ciidamada Itoobiya oo cidayada ku hayey dhibaato aan dhammaan, mararka qaarkood waxan seexan jiray kaymaha baadiyaha ilaa aan ka war helay in hooyaday ay la hadashay abahay oo ku nool magalada Muqdisho isla markaana u sheegtay in ay isoo dirayso.

Subax aroor ah hooyaday oo ka timid magalada Qabribayax isoo sheegtay in aan safar u aadayo Muqdisho taas oo sababtay cabsi ay igaga qabtay ciidamada Itoobiya, oo inta badan falal xun xun u geysta gabdhaha da'deyda oo kale ah, lakiinse waxaan is weydiiyey abahay sida aan u aqoonsanayo ama uu ii aqoonsanayo waayo waxaan jiray waqtiga abahay igu dabaysay laba sano, waana xilli laga joogo dhoor iyo labatan sano waqtiguu furay hooyaday, haddana waxaan ahay gabar ka gadisan gabadhii uu yaqanay.

waxan imid magalada Muqdisho, oo ah magaalo weyn, ahna caasimadda Soomaaliya, waxaan ka degganaa xaafadda Yaaqshiid, socdaalkayga wuxuu ku beegmay waqtigi ay Maxkamada ka curteen magalada Muqdisho, waana ay xasilooneyd.

Waxaan ku dagay guriga abahay, oo lahaa halxaas oo u leh Siddeed caruur ah afar waa wiilal, afarna waa gabdho, wiilasha walaalahayga ah waa ay yar yar yihiin.

Abahay waa ganacsade ka shaqeeya suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaan ku soo dagay edaday oo run ahaanti ah eedo wacan caruurta walaalahayna waxa ay iisoo dhaweeyeen si fiican oo wanaagsan.

Waxan ku biiray iskuul private ah oo la yiraahdo Brothers, waxaan baranayey luuqadda English ka iyo Computer ka, waqtigaan ku soo biiray waxaan bartay wiil ka mid ah ardayda iskuulka, isbarashadeeni waxa ka dhex abuurmay jaceyl xoog badan, jaceyl kaan u qabo Cabdifitaax Yare waxa uu ka mid noqday qeeb ka mid ah waxbarashadayda, waayo Cabdifitaax waxa uu i baray nolol wanaagsan oo ka duwan tii hore aan ku soo bar baaray.

Cabdifitaax iyo aniga markii aan ka soo baxno guriga waxan imaaan jirnay guriga aan daganaa waxana baray cidayadii oo dhan, wayna soo dhaweeyeen.

Cabdifitaax jaceylka uu ii qabo iyo qaddarinta abahay iyo eedaday ayuu ku gaari jiray habeenkii ilaa sadexda saac isaga oo dagannaa meel horaa ii jirta, Nasiib xumo jaceylkeeni waxa soo dhexgalay dagaalkii Maxkamadaha iyo dowlada ku meel garka iyo ciidamada Ethiopia.

Reer kii Cabdifitaax waxa ay u gureen xaafada Madiina, si ay uga durkaan dagaaladaan aan laheyn dhamaadka.

Magaalada waxaa ku yimid is bedal aan la qabsan waayey in muddo ah waxan bilowday dagaal aan istageyn iyo ciidamo aan naxariis laheyn.

Waxan maqlay in uu Cabdifitaax xanuunsaday oo la dhigay isbitaalka ku yaallay xaafada Madiina ee isbitaalka Madiina Hospital.

Subax aroornimo ah abbbaarihii Sadexdii subax nimo waxan isku diyaarshay in aan aado Cabdifitaax gurigoodi oo intuu xanuunsan uu isoo baray. Subaxii markii aan soo baxayey aabbahay wuu diiday in aan baxo waxaana sababay. ciidamada Ethiopian ka in ay waddadameel kasta daadsanaayeen, isagoo dhageystay idaacadaha magaalada Muqdisho sida Horn afrik iyo Shabeele, aniguse waxan ahaa qof dhalinyaro ah iskuma taxluujin jirin dhagaysiga ideecadaha, balse hadalka aabbe dhagta uma jalaqsiin oo waan dhaqaaqay, waxaan maqlay aabbe oo dhahaya ha bixin oo igu soo orday kaddibna wuu igu qayliyey, maalintaas waan iska baaqday lakinse habeenkaas waan seexan wayey, waxana la hadlay Ruqiyo oo ah Abdifitaax walaashii oo igaga dayrisay xaaladdiisa caafimaad,oo ii taabatay in laga helay Malaariyo iyo Tiifow.

Habeenkaas oo dhan hurdo waan ladi wayey, waga markii uu bidhaamay ayaan iska furay albaabka intuusan aabbahay hurdada kasoo kicin waqtigaas oo ahaa laba iyo toban kii ama lixdii qofba siduu u yaqaanay.

Subaxaas waa maalin nolashayda qeyb ka mid ah ay bur burtay, waxaan arkay askar igu soo yaacday oo ku haysa Qum Qum Anti dhiqaandhiq oo micnaheedu ahaa istaag ha dhadhaqaaqin, waxaana iri waayahay maddama aan garanayey afkooda, waxan kula hadlay anigo qaylinaya kuna hadlaya afka Amxaariga, waxaan is dhahayey haddii aad aftaqaanid waad ka baxsanaysaa, balse wey noqon wayday, mid ka mid ah ayaa si aan arxan laheyn ii lagday kaddibna ii geystay dhaawac, hadda jirkayga ka muuqda, waxaana ay igu sii dareen in ay i kufsadaan, waxaa ay iga tageen anigo miyir la' waxaan jiifay muddo saacado ah intii ay dhameysanayeen howl galkoodi, markii ay dhameysteen howlgalkoodii waxa mesha iga qaaday dhalinyaro rag iyo dumar iskugu jiray oo i geyay Isbitaalka ku yaala Huriwaa ee SOS, ayagoo ii wacay waalidkay meshaas waxaa yimid aabbahay iyo eedo oo dhammaantood ay ka muuqatay murugo, aniguse wax hadal ah ayaa layga wayey in muddo ah.

Shan casho ayaan ku jiray isbitaalka kaddibna waxaa la ii qaaday xaafaddii aan degganaa.

Waxan ciddayadii ku iri haddii Telephone uu idin soo diro Cabdifitaax waxaad ku dhahdaan waxay addey safar oo arrinkaygaan ha u sheegnina, hase yeeshee maalintii labatanaad oo aan is moognahnay aniga iyo Cabdifitaax ayuu gurigeena soo gar garaacay isagoo wajigiisa xanaaq uu ka muuqdo waxaa uuna gacanta ku waday sawirro aniga iyo isaga aan isla galnay, taas oo ugula jeeday in uu xariirkeeni uu jaro, markii uu ka war helay in aan joogo xafadda ayuu u micnaystay in aan ka haray, jaceylkiisiina aan udubyada u jaray.
Salaan kaddib waxa uu igu yiri waxba kama qabo haddii aad i nacday balse aniga waan ku jeclahay intaan noolahayna waan ku jeclaan doona intuu hadlayey waxa indhahayga ku soo istaagay ilmo, waxa uu la yaabay ooyinta iyo anigoo ku soo booday, oo ku dhagay, kaddibna waxaan ka warhelay anigoo sariirta jiifa markii aan suuxay isagoo geesta ka fadhiya sariirta aabahay oo i dul tagan.

Abahayna uu u sharaxay xaaladdayda iyo wixii dhacay markii uu muddo uu ka murugsana xaaladdayna aan laheyn ka soo raynta qaasatana niyad jabka sidoo kale aabahay waxaa ku kordhay wal wal iyo walbahaar taas oo sababtay gabadhiisa muddo sanado ah uusan arag looguna keenay in ay ka bad baado dhibaatooyinka sida kufsiga iyo jirdilka ay u geystaan ciidamada Itoobiya ee ka jira Ismaamulka Soomaali Galbeed haddana ay ku bad baadi weysay Muqdisho sidoo kale uu arkay gabadhiisa oo iska ilmaynaysa niyadadana ka jabsan tahay.

Markii aan soo baraarugay waxaan iri, Cabdifitaax waxad tahay qofka aan jeclahay waxaadna tahay qofka qisadaan igu dhacday dartiis, waxaan ka war helay in aad xanuunsantahay oo aad ku jirtid isbitaal, habeenkaas waan seexan wayey subaxaas waxaan toosay xilli aan toosi jirin intaan gaarin meesha gariga laga raaco waxaan la kulmay ciidamo Ethiopian iyo Soomaali iskugu jiray kaddibna waxaa i kufsaday ciidamada Ethiopian ka ah dhowr cashana waxaan ku jiray Isbitaal, kaddib markii aan kasoo baxay isbitaalka waxa nolashaydii ku soo siyaaday murugo weyn

Ilmadii iga daadanaysay waxaa ay isku badashay in aan hadli waayo codkii oo dhan ayaa iga guuray, waxaan bilaabay in aan gacmaha sheekadii kasii wado sii wax dhagool ah laakiinse Cabdifitaax isago ooyaya waxa uu i yiri Shamso aniga waxaan ahay wiilkii ku jeclaa waxaana ahay wiilkii nasiibka u yeelan wayey intaad jiraneed in uu garabkaaga buuxsho balse waxaad tahay qeyb ka mid ah nolashayda shalay aniga ayaa ku rabay maantayna aniga ayaa ku raba.

Toddobaad kaddibse maxaa dhacay waa toddobaadkii igu murugada badnaa waana toddobadkii aan wayey nolashayda" .....

Lasoco sheekada qeebta labaad sida ugu dhaqsiyaha badan haddi alle idmo

La soco qaybta labaad

Ogaysiis

Wixii aad ka dhahayso sheekadaan kala xiriir qoraha sheekada emailka hoosta ku qoran oo ah;
Mohamed Ali Maslax
mohalimaslah@hotmail.com

Xeryaha Qaxootiga Kaakuma

Saida VIP Blog sheekadaan waa lagu daabacay kaliya mas'uuliyadda iyo xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha sheekada


.

Riix Halkaan!