Sunday, June 16, 2013

Malakamowd Tuuteysan

  Looxa 16/06/2003


Dadka ka soo firxaday geyiga Soomaalida ee ku nool dalalka Yurub waxa ay ila garanayaan hal arrin oo dhammaan si weyn loogu wada faraxsan yahay lagana simman yahay oo aanan ku jirin dhammaan inta kalee dhaliilaha badan laga sheego dhinacyada inta badan laga gil gishana aan ku jirin taasoo ah: in Booliska (Police) iyo Mileteriga dalalka aanu maanta iyo martida u nahay ay sugayaan amnigeenna marka laga reebo mar mar ay dhacdo balaayo cirka ka soo dhacda ah oo aan lagu tashan.

Waxaanu ku wada hurudnaa askartaas oo aan amnigeenna Ilaahay ka sokoow ku aaminnay, qof kastaana si nabad ah ayuu ugu niyad xasilloon yahay. Ma dhacdo inaan dhibaatooyin kala kulanno isla iyaga, qof walbaa halkuu doono ha ka yimaadee waa loo simman yahay sharciga hortiisa oo ay ugu horreyso in loo ballan qaaday qof walbaa nabad iyo amni sugan.

Friday, June 14, 2013

Wiil Marka Caddeey

Looxa 14/06/2013

Deeqda Ilaahay waa hadyad gaar ah uu kuu garto, suuqa lagama iibsado, xoogna laguma helo iyo indho caddeys, edebta iyo xishoodka, ixtiraamka bulsho, hab nololeedka iyo dad la dhaqanka wanaagsanna waa Alle ku sii iyo dedaal uu qofku gaaro, qaybna waa ay ka tahay barbaarinta waalidka-san iyo ku dhex noolaanta bulsho caafimaad qabta.

Haddaan leeyahay hiddo gaar ah iyo dhaqan umadda ka tilmaaman iyo taariikh ma guuraan ah oo caalamku isla qirayo. Hadduu deeqda Ilaahay ila soo doontay anna aan dedaal ku daray, ma garan karo wax aan ahayn inaan farxad ku noolaan karo.

Ma ogi meel ama si aan isku ciil kaambiyo iyo si aan nolosha ula colloobo.

Habeenkiina waxaan ku hurdaa anigoo xusuusan taariikhdi labadeydii boqortooyo ee Waaq-dhoobeey iyo Waamo. Sidoo kale ka qayb galkeygii gobonnimo doonkii iyo gummaysi-diidkii kaalintii ka dhex iftay dunida ee aan lahaa ee maanta meel kasta ku qoran.

Tuesday, April 30, 2013

Baastada Dalka Ma Cunno


Looxa 30/05/2013


Waxaan nahay dhallinyaro oo waan isku xig xignaa, da' ahaan, oo ugu badnaan hal illaa laba sano ayaa noo dhaxeysa. Waanu kibirsan nahay oo sanka iyo gafuurka ayaan kor u taageynaa, oo reerka ayaa iska dhaqnaa, oo wali nalooma waayin waxaan saddexda wakhti cuni lahayn, kama fikirno wax kale iyo nolol kale toona, ma ogin, mana xusuusnin, xaafadaha baan ku eg nahay, dalka gudihiisa guud ahaan, gobolladiisa, taariikhdiisa iyo wax Allaale iyo wuxuu yahay maba naqaanno. Waxaa markii aan yar yarayn dugsiga hoose nala ku bari jiray un heeso iskuulka na lagu xafidsiiyo oo koox maamulka markaa haysta sida in jannada lagu galaayo na loo baro oo loo heeso. Wadanniyadda inta aan ka naqaan baaba kooban oo waxa kaliya barashadi waddaniyada lagu baddalay inaan wax un amaanno, oo faaninno, oo u sacab tunno. Ma naqaan wax intaas dhaafsiisan. Dadku wuu ku wada nool yahay magaalada haddana kuma wada noola.
Dugsiga sare naftiisa wax nala baro ayaa iska yar oo macallimiinta oo laba laba u haasaawaya ayaan u dheg taagnaa oo waxaan hadba dhagahayna ku soo dhacaya labadaas macallin hebel iyo heblaayo waa isku haayaan (way haasaawayaan) Maxaanuba barannaa? Iyagaa isku mashquulsanaa kuwii wax na bari lahaayee.

Sunday, February 10, 2013

Hurdo-diid

Looxa 10/02/2013

Udugga hawada macaanteeda ayaa dadkii oo dhan ay ku raaxeysanayaan. Waa inta aysan urin oo ay qurmin oo uusan dhiiggu ku daadan. Waxaa baxeysa neecaaw markii uu sanku qaato niyadda ay ku dagayso, jirkuna ku iftiimaayo. Farxad badan oo cid u joogtay ma ahee aanan hadal lagu cabbiri karin. Neecaawdaas waa ta ku reebta qof hilowga uu u qaado deegaan, magaalo iyo dal. Waa ta kugu reebta xusuusaha lama illaawaan oo kugu rakibta dhalashada ka sokoow magaaladaas. Haddaad ka fogaato waa ta kugu xanbaarta feker dheer iyo dib u milicsi iyo waayo soo noqoshadooda uu shaki ku jiro.
Waan layrsanayay. Waxaan taagnaa irridka gurigayga, oo saarnaa jid weyn, oo markii aysan mareyn baabbuur badan aad uga jeeddo dhammaan irdaha guryaha jidkaa saran iyo ciddii mareysa. Waxaad si fiican ula socotaa dhaq dhaqaaqyada xaafadda. Baararka dhanka gurigaygu ku yaallay ka soo hor jeedkiisa, ee jidkaa saarnaa waxaa wada fadhiyay dad wajiyadoodu ay wada nuurayaan. Waxaa lagu cabbaayaa cabitaanno kala duwan. Qaar baa Turub ciyaaraya. Qaarna jaas. Qaarna Dhaadhuu/Laadhuu. Ma ahan dadku dad ku jiho wareersan siyaasad, baashaalkooda ayaa baxayaa. Qaar kalaa iyagana fadhiyay darbiyo sida kuraas u dhisan oo ku teedsan jidkaa weyn oo laba laba u fadhiya oo iska sheekeysanaya. Jawi aan faallaadiisa la koobi karin baa lagu wada jiray. Heeso ka daaran baararka ayaa dhan kastaa qurxinaya dhammaan inta u dhow dhow baararka iyo jidkaba.
Jeebkaaga aan kuugu jiraa, ma kaa jeedsahaayee, jar ka boodka dhaaf, Jacayl adduunyo minaas jiraayee, jiinbaar ku soo joogso, ad jannaadsadeey isii, hoobbala isiiHeesta Jannaay, Laashim Axmadeey Cabdi Gaashaan ayaa dananaysa oo ku dhacaysa meel hoose oo fog.

Wednesday, February 6, 2013

Dhuuxo

Looxa 06/02/2013
Maalintii koowaad ee Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay “is-dhiibe cusub” oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee isgaarsiinta ee Internetka laga adeegsado ama Teleefoonka laga dirsado, oo uu wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.
Dhuuxo xilka ay iska saartay in ay badbaadiso isdhiibaha cusub oo ay galkiisii u soo hesho iyadoo ogsoon haddii ay ka lumaan waraaqahaas in uu aayatiinkiisa gali karo mugdi, oo waraaqaha danbe ay u fududaan doonin, qofka markiiba uu codsado qaxootinnimada haddii ay kolkaaba ka dhummaan sida caadiga ah ay dhacdo in ay sanad iyo ka badan ku qaadato in uu dib u helo isla waraaqihii. Loogama mahadcelin ee waxaa markiiba la billaabay in la yiraahdo

Saturday, December 29, 2012

Maskaxdii Cammirnayd ee Maxamed Muxyadiin Cali

Looxa 29/12/2012
Alle ha u naxariistee, 5 sano ka hor ayuu ku geeriyooday qaraxii ugu horreeyay ee ka dhacay Muqdisho. Markii ugu horreysay ee uu qaraxba ka billaawday magalaada ayuu Maxamed sababsaday gacmihii caadada ka dhigtay in ay dhammeeyaan maskaxda dalka. Gacmihii dhibsan jiray in ay maskax nooliba jirto. Gacmihii dalka indhaha iyo maanka ka tuuri jiray, dadkana in la laayo kaliyah ka door bidi jiray in si nabad ah loo noolaado. Si kastoo ay u diiddanaaayeen maamulka jira ma aha wax lagu degdego dilka sidiisaba meelna laguma bannayn.


1963-kii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisa heerka dhexe iyo hoose wuxuu ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Isla
Muqdisho, 1986-kii ayuu Dugsiga sare ee Macallin Jaamac kaga baxay. Isagoo sidoo kalena ku dhex waday howsha warbaahinta, oo uu ka mid ahaa raxantii ka howlgeli jirtay Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

Wuxuu
jacaylka warbaahinta ka hiddo raacay Aabbihii Muxiyaddiin Cali oo sannadkii 1984-kii ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Taasi waa iska taariikheyn guud, se Maxamed waxaa aad loogu xasuustaa wuxuu aas-aasay Wargeyska XIDDIGTA PANORAMA oo ahaa wargeyskii ugu horreeyay ee ka soo baxay Muqdisho kaddib markii dawladdii 21 ka sano dalka ka talineysay ay meesha ka baxday. Wuxuu Wargeyska soo saaray xilli aan laba awoodi karin in Wargeys la billaabo ama aanba loo jeedin, oo wax kastaa oo xaashi ahaa Sonkorta lagu duubanaayo. Dadkuna garashadooda ay ku ekayd kaliyah dil, dhac, boob iyo bililiqo, oo ay illoowsan yihiin ama ka arradan yihiin in ay dalka iyagu leeyihiin.

Wuxuu billaabay wacyi galin xoog badan. Abaabul dhallinyaro iyo inuu u istaago hawl markaas adkayd waa 1991 kiiyee.

Wednesday, December 26, 2012

Casuumaaddii Liido


Looxa 26/12/2012

Subax hore markaan hurdada ka toosay, ayaan isku sii daayay Baarkii Kafeega. Waa mid aan ka cabo subax kasto, anoo indhaha marmaraya ayaan laba koob oo Kafee ah caajiska iyo hurdada iskaga qaaday, kaddibna xoogaa intaan jimicsaday baan emailkeygii dusha ka eegay, waa ay tiro badnaayeen, farriimaha ii yaalla se mid baan eegay Xamar buu ka yimi. Sida caadada ii ah Xamar waa aan ka horreysiiya fariimaha ka yimaada meelaha kale. Waa halkii aan ku dhashay, HAA. Waa halkii aan ku dhashoo isagaasaan u hor furay. Emailka salaan iyo ammaan badan oo la ii tixay kaddib, waxaa loo soo qoray si hagar la'aan ah, oo laab la kac iyo jil-jileec uu ka buuxo. Waa mid xammaasad iyo niyad wanaag ay isku bahaysteen ayna barbar socdaan aragtiyo aan meel fog wax laga eegayn. Inta badan Xamar baa lagu ooyayaa, waxba ma ahan, anba maalinkii ugu horreeyay ee aan maqlay in ay magaaladu ka xasilan tahay sidii hore ilmaa igu soo istaagtay farxad darteed. Haddana waan is celiyay, waxaana dib ka garwaaqsaday in ay badan yihiin hawlaha la iska rabo oo dhan walbaba leh, ee u baahan in dhexda loo xirto. Qofkii magalaadaasi ku dhashay ee hadde ku dhashay ee aan iska sheeganayn ee macaankeeda dhadhamiyay waxaaba uu malaha isa sii saari lahaa xil culus oo weyn. Haddaba sidaan u akhrinayay emailka waxaa ugu danbeyntii ugu tagay caasumaad sidaan u dhignayd:

Monday, December 24, 2012

Saddex Wallaahiyood af Soomaaligu waa afkiinnii.


 Looxa 24/12/2012

Maalin baa waxaa meel ka dhacday dood ku saabsanayd dhibaatada dhirta lagu hayo iyo badbaadinta dhirta. Dooddii qofba meel ayuu kaga hadlay, laakiin. qoraa Axmed Deeq oo doodda soo galay baa hadal culus meesha ka yiri oo ahaa;Dadka ha loogu dhaarto in ay dhirta iyagu leeyihiinisagoo inoo sheegaya in aysan Soomaalidu ogaynba in ay dhirta iyagu leeyihiin. Taa markaan arkay wax badan bay i xusuusisay, waxaana igu soo dhacay wax badan oo aysan dadku malaha wali ogeyn in ay iyagu leeyihiin, ha ugu horreeyee afka Soomaaliga, oo dadkiisii iyo dalkii looga hadli lahaaba gudahiisa, meel kasta oo ay dawladdu ama xukuumaddu wax ka qabanayso, inta badan boorarka ay ku qoran yihin afaf qalaad. Waxaa taas sii dheer, xittaa isla xiriirka bulshada oo inta badan ay kula sameeyaan afaf qalaad. Haddii aad se is tiraahdo wax ka dheh ay afar raaciye dagaal kugu soo qaadayaan, iyagoo ku tusaya inaad meelaha wadwaddo wax aan loo baahnayn, oo isu arka iyaga in ay afafka qalaad dad ku yihiin.
Aqoontuba haddii ay la noqoto dadka in ay ku jirto af qalaad, oo toodiina ay u arkaan wax laga faano, runtii xal aan ahayn in loo dhaarto ma jiri karo. Waa sida ay iila muuqatee, aan iraahdo Saddex Wallaahiyood af Soomaaliga waa afkiinnii.

Waa afkeennii,
Adinkaa leh,
Annagaa leh,
Anigaa leh,
Adigaa leh.

Haddii aadan ka faanin na isagaad hormar ka gaari kartaan, kuna gaari kartaan.

Tuesday, September 25, 2012

Hayeey Faarax

  Looxa 25/09/2012

"War haye ii warran Saaxiibkeey Yeegoow? Maxaa sheegtay beryahaan laguma aragee? "
'Ninyahoow caafimaad Wallaahi saaxiiboow Ifkoow ma aragtay kii Faarax ahaa baan raadinaayay beryahaan?'

"Maya ninkaas beryahaan warkiisa lama maqal maxaa darnaa?"

"Wax sidaas u daran ma jiraan, waxaan rabay inaad asxaabta isku wacdo oo aan kaddibna ninkii raadinno oo magaaloo dhan baa dacwo ka ahaydoo, Xaliimoo dhan beryahaan statuskooda Facebook wuxuu ahaa Faarax oo lagu shidaayo, marka asxaabta intii kale meel ku sheeg, arrintaas aan ka odeyeeynee ninyahoow saaxiibow"

'Saaxiiboow Wallaahi waxaan is maqalnaa beryahaan akhyaartii Axmed Nuurka, Cali biibaaye iyo Cumar Fooskaa iga wareeray'
" Waxaan u malaynaa shanteenna waa ku filan nahayee aan soo raadinno odeyga beryahaan juuqdiisaba waa la waayee"

Saturday, September 8, 2012

Khaliifo War laguma baado

Looxa 08/09/2012


Sheekaba sheekay keentaaye, Khaliifooyinkii marka inta ay is aruursadeen maalmo, bilo iyo sanado ay aruuriyeen lacagta sabta, kaddibna maacuuntii, kaddibna xoolihii, kaddibna intii loo baahnaa dhan ayay maalinka sabta Allaylehee ku dhawaaqeen si isla weyni ay ku jirto, isla markaana kalsooni nafeed leh, hase yeeshee daalkii iyo diiftii diyaarinta ay wali ka muuqato karaamadase ay qarineyso wali ayaa intii samaha ka talinaysay hawlina ay ka ahayd hagar la'aan ay ku hambalyeeyeen oo Khaliifooyinka waxaa dhagahooda ku dhacay samo-doon oo dhan hambalyadii se Samo-diid oo dhan, xog-moog iyo indhaw-garadba waa idinka iska yaqaannee ay suuqa u galeen oo ay billaabeen in ay wareejiyaan sidii caadada ahayd hadallo raqiis ah oo ay ugu waaweynaayeen “Basal gaduuddii waxay kusoo baddaleen basal caddeey” qaar baa leh oo “basashu waaba yar tahayee” qaar kale baa leh “tamaandhada ama yaanyada sideey u fiiqaan aan aragno” Soomaali wax kasta wax bay ka tiriyee Khaliifooyinkiina waxay warkaba uga gaabsadeen “Habar fadhidaa legdan la fudud” oo ay kusii micneeyeen in ay ula jeedaan sida iyaga ay dedaalka ugu jiraan in aysan waxba ka soo qaadi doonin mid ka mid ah xaawaleydooda oo iska ka hurgufmeysa iyo mid kaloo meel-laawey ah toona. Meel lagu daalay bay war ku buuxi is leeyihiinee, ama war ku baada. Meelaha qaarkood in war la isku baado waa iska dhacdaa laakiin magaaladdaan Magacleey sheekadaas kama socoto, waxaa ka dhacda ninkii lagu tilmaamo tuug xittaa in magaaladaasi Magacleey ay dadkeeda sii jecleystaan tuuggaaba, waa midee waxaay is leeyihiin 'Toloow tuuggu lacag badan buu hayaa aan ka noolaado” ama waababa magaalo soo jireen ahoo warkeeyba ka daashay way ka horreysaa warka oo dhanba.
Waxay soo xigataa Abwaan Yuusuf Yare oo waxa ay tiraahdaa “Awood Qaadirku dhiibay sacabkii qari maaga qoomamuu ka dhaxlaa”

Friday, August 3, 2012

Garaad-dhisoow u Dhig Casharka

Looxa 03/08/2012 Tusaale kooban

Waa yaan la iska badin, ha ka soo kala herina, haddii kale waa lagula yaabayaa, suuqa waa wada cammiran yahay, yaabka yaabkiis beryahaan, adiguna haddii aad suuqani keeni weyso badeecada kala badbaddelka xaqiiqooyinka oo aad ka xishooto inaad keento been iyo barnaamijyo reereed waxaa ka baxday oo aad khilaaftay; Tii ahayd "Meeshii isha laga la'yahay ishaa la is tiraa" oo waa lagu hariifayaa, oo waa lagu huufayaa, ama lagu hiifi doonaa. Ha xishoon keen adna badeecadaas si laguugu sacabbo tummo oo ay kuusoo dhoweeyaan dhammaan inta suuqa soo dhigaysa badeecada kala badbaddelka xaqiiqooyinka, halkaas bay joogtaa beryahaan. Safkaasi haddaad ka baxdo si kale ayayba wax kaa yihin armaadba heedhe isku laabataa oo aad tiradan badani aadan kasoo harin halkaa bay haddana joogtaa digniinta lagu siinayaa. Haddii kale tirada yaree kula midka ah dhibka iyo ciriiriga lagu hayaad adna la qaybsan doontaa. Waad cago gubyoon oo ciil baa kaa qaban Garaad-dhisoow. haddaad fag-fagta badisana waxaa laguu raadin doonaa ceebo aan jirin, xargo laguugu xir xiraa baadi goob loo galayaa, ha yareysan hawlaha socda. Garaad-dhisoow, haddaad leedahay laba indhood ka badan, labadii caadiga ahayd iyo dhowr kaloo badan oo ku dhex yaalla maskaxda u diyaar garoow kelinnimo iyo in lagu ciqaabayo haddaad meel laguugu dili karo joogtana dil baad tahay. Qoryo dab ah bay kaa daba wataan kuwo ku tartamaya suuqani kala baddalka xaqiiqooyinka iyadoo loo wada jeedo. "Car ka dhaaro inaad adna keento suuqa badeecadaasi." "Wir ku dhac" Waa taas summadooda.

Wednesday, June 27, 2012

Is Dhalay oo Isku Dhibban

Looxa 27/06/2012


Saq barkii buu si dhuumasho ah kusoo gali guriga, wuu taag taagsanayaa, sariirta buu isku tuurayaa, gaajo ha hayso ama yaysan haynin'e, sida tuug habeen bar soo dhacay guri reer leeyahay buu ku soo galayaa habeen kasta, markuu tooso-na orod buu kaga baxayaa subaxnimada hore.
Isagu waa isma lure se yaqaanna wuxuu doonayo, wuxuu rabaa baashaal, caweys, xafladeyn, dheel iyo muusig, wuu dhallin yar yahay, wakhtigiisa ayuu rabaa inuu si aan hagrasho lahayn uu ku qaato, wuxuu jeclaan lahaa in ay isaga iyo asxaabtiisa guriga ku caweeyaan, ku bood boodaan, ku baashaalaan, laakiin suuro gal maahan oo 4 indhood oo waaweyn baa lagu ilaaliyaa.

La isma sheeko yaqaanno, isku jiho looma soo socdo, isku aragti lagama ahan dunida, waana la isla yaabban yahay.

Thursday, May 10, 2012

Waxaan Jeclahay iyo Sidaan Ahay Soomaalidoo Dhan Baa Ah Camal Miyaa?


Looxa 10/05/2012 

Ha' noolaato ayaa wax badan ay dhegahaygu maqlayeen ama aan kuba soo barbaaray, markiise ay 21 sano dhaaftay oo walina sidii la rabay iyo halkii loo socday aan la gaarin baan iri, Waayahee Ha' noo suuxsanaato annagaa iska lehee, sideedaas baan ku jecel nahay, waa halkii aynu ka nimi meel welbaba, waana aynu ku faaneynaa, waa HOOYO rasmi ah, halkii laga soo wada yimi, difaacanaynaa, jecel nahay, waxaanse aan ula jeeday yaan la barooran way iska hagaagi doontaayee, in ay hagaagto waan jeclaa, walina waan jeclahay, laakiin saad rabto haddaad weyso saad ka badin weysaa la yeelaahee, hadalkaas baan karti iyo ad- adeyg ka doonayee hayla yaabina.

Thursday, April 12, 2012

Ilmo Xiimaya

Looxa 12/04/2012

Baf, wuuf, xuuf.....Yaayah, intaad sanka iyo faruurta dhexdooda iiga soo galee? Arooy intaad u socotaa?
Miir ma laha, ma ogaba in aad ku diiqootay, maba kuu jeedaan, orodkaa ka daacad ah.
Dardaryo weynaa wuxu? 
Mashaqo mashaqo ka siddeed, maroodi kastuumo qaatay.....War miyaadan hore u maqlin “Haddiis xoog wax taraayo Maroodi aa maalin caddeey Xamar soo gali lahaa?”

Friday, February 17, 2012

Yaa dhalay duulkaa qalaad?

                                  Looxa 17/02/2012
Waa qalinleey laba ah ama qoreyaal aad loo yaqaan, caan bay ka yihiin dadka wali dhaqankooda haysta oo qalinkoodaa loo yaqaan qalin dhex dhexaad laguna ixtiraamaa, haaheey aad baa loogu ixtiraamaa.
Goobta la joogaa oo lagu kulansan yahayna waa gole email ah oo lagu xallinayo, loogana arrinsanaayo arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya. Waa la doodayaa, oow aqoon-yahan, shahaaddo-gaabloow tii iyo kii  ahaa oo dhan waa lagu dhan yahay....

Monday, July 25, 2011

Sharraxaa la tummaayee maxaa sheekada keenay?

Looxani waa laga baxay waana la tiiriyay

Dad xeyn xeyn u socda, sawaxan, sacab, jiib iyo farxad dadku waa wada faraxsan yihiin wixii dhibay baa laga dul qaaday, waa loo bogayaa, waa la rabay, waana la isku wada hambalyeynayaa si kal iyo laab ah,

Sunday, July 24, 2011

Wiil u eg Axmed Mooge

 Looxani waa laga baxay waana la tiiriyay

“Ama horay ayaad u badatay (Duq baad tahay) mise ilbax ma tihid wali?”  Maalin kastaan maqlaa. "Reer Baadiye ayaad tahay" ayaa la ii daba dhigaa, haddaan qoraalka ku dhex qoslo waad ila yaabi doontaan mise waxaad iga sugaysaan inaan sida shabakadaha xiriirka bulshada sida looga qoslo aan anna ugu qoslo qoraalka? kkkkkkk maad iga sugeysaan? MAYA qoraalka laguma daro qosolka sidaas ah, ha ka yaabin, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaan fuuray qosol dartii .

Friday, January 28, 2011

Xerada Foolaadka Bulshada!

Looxani waa laga baxay waana la tiiriyay.

Haa, aniga iyo adigu waa sideynu ku hishiinnay, af daboolan dahab, sidaas baan wax u qarsanaynaa waligeen, haddii kale in la is dilo ka yaab, oo mid xeyraansan oo ku dilo ama uu na dilaba, ama koox Qaad kasoo dharagtay oo mirqaansan ay xalka moodaan inuu kufsigu yahay dawo, ama mid iska maxabbeysay uu tooreey kuugu kala jeexaba, intuu yiraahdo cimrigey intaan noolaa ismaan lahayn waad arki doontaa ama hadduu rababa uu isagu is dooxo, isagoo innagaga dhigaya inaan dunida na lala joogi karin ama ay habboon tahay in dunida naloo banneeyaba, kan ugu roon baa ku dhihi kara “ Cimrigaagoo dheeraada geel dhalaayaas ku tusaa”